Shilalka Gaadiidka”Waa Kuwo Isla Wayne Oo Hadii Labaaso U Haysta In Layasayo Una Haysta In Wadada Tartan Tahay!!

0
1397

 

Gaadiidka shilka gala oo inta badan ah gaadiidka yar-yar ee raaxada iyo waliba baabuurta u kala baxa Magaalooyinka gobolada dalka, ayaa waxay sababaan dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Frankfurt(N.N.N):Laamiga ku yaala Gobalada bari Soomaaliland Iyo kuwa Waqooyi,iyo galbeedba,maalinba Maalinta Ka dambaysa waxaa iyana kor u siikacaya Gaadiidka ku Gadoomaya wadada laamiga ah ee xidhiidhisa Burco iyo laascaanood” iyo tan isku xidha berbera iyo burco,sheekh,hargaysaiyo berbera,hargaysa gebiley ilaa galbeedka boorama.

Dhibaatadan,ayaa waxaa loo aanaynayaa, Masuuliyad Daro Uu keeno waduhu Oo kadib ay ka dhalato khasaare in uu gaarigii Uu waday Gadoomo ama qalibmo taas Oo ah in darawalku isku darsaday aqoon daro iyo masuuliyad daro waana laba dhibaato Oo haysata Guud ahaan Soomaliland Iyadoo
Aan Qadarka Ilaahayna lagasoo
Horjeedin.

Mida labaad waa dareewalka Aqoonta fiican lahayn oo hagta wadada Oo xun Gaadiidka maraya Oo badan oo cidhiidhiya baa sababta.
Talabaad Oo ah xadiga gaadiidka soo dagaya oo aan nidaam sanayn Gaar ahaan cidkasta iskaa u kexee ay kujirto.

Hadaba haddii aynu dib ugu noqonno ,Sanadkii 2004-tii ay Somaliland waxa ka dhaceen 1,251 shil oo sababay dhimashada 75 qof, halka ay sanadkii 2011-kiina ka dhaceen 2,199 shil oo ay ku dhinteen 142 qof “Sanadkii 2004-tii, waxa dhacay 1,251 shil, marka la barbar dhigo sanadkii 2011-kii ay dhaceen 2,199 shil, oo ay ku dhinteen 75 iyo 142 qof oo ah sida ay u kala horeeyaan”20112kiina ay aad usii korodhay’Waxaynu kaloo
Soo qasdan soo qaadan doonaa
2003–2018ka’anagoo laxidhiidhi
Taliska ciidanka Booliiska kushaqada leh Shilalka.

Waxaan hoos ku qoren ,sida loo taxadaro,shilalka ,adoo ilaahayna talo saarenaya,haddana waxaa khasab ah,oon baryo lahayn,in lagaa helo sidan,haddii kale aad khasareyso,waa in lagaa dhigo gaadiidka aad wado,muteysatana xarig,inkastoo aan arko,in ay liidato aqoonta ay taarafikadu u leeyihiin,wadooyinka,aanayna helin tababar,lagana yaabo in qaarkood ay ka liitaan darewalada qaarkood.

darawaladan intooda badan in ay u wadaan gaadiidka si taxadir la’aan ah (careless driving), iyagoo intooda badan aan lahayn Liisanka lagu wado Gaadiidka (driving lisence ) wax xil ahna iskama saaraan dadwaynaha saaran gaadiidka ay wadaan.

Darawaladan intooda badan iyagoo aan ka fiirsan ayey si xowli ah ku soo galaan Isgoysyada iyo Meelaha Khatarta ah wadooyinka, iyagoo ku tartamaya’oo moodaya
Inay Wadada Tartan Tahay

War iyo dhamaan Darawaladan intooda badan kama qabaan wax Cabsi ah sharciga wadooyinka, waxayna si Xushmad daro ah ula dhaqmaan Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka.

Waxayna aminsanyihiin in uu sanjirin Sharci lagu ilaaliyo amaanka wadooyinka, qalad kasta ee ay galaana lagu dhamayn doono Xaalmastuur.

Hadii aan si deg deg ah wax looga qaban arintan, waxay keeni doontaa in ay Caruur badan ku agoon toobaan ama ay dad badan ku cuuryaamaan, iyadoo aysan jirin dowlad kafaala qaadi karta Nolosha dadkaas ama Caymisyo bixin doono daryeelka ay u bahan yihiin dadka laga dhintay.

Dareewal Ama Wade waxaa Kugu
Waajib ah Inaad Fuliso Qodobadan.

•In aadan galin qataro aan loo baahneyn
•In aad masaafo amaan ah ka fogaato baabuurta/dadka kale
•In aad haysato aragti fiican
•In aadan degdegsaneyn, oo aad haysato waqti kugu filan
•In aad diyaar u tahay in waxyaabo degdeg ah dhici karaan
•In aad xaalada qiimeyso inta aadan ficil sameyn
•In aad ka fikirto waxyaabaha dhici kara
•In aad u socoto si degan oo bareega waqti hore aad qabato adiga oon ku soo boodin.

Isku soo wada duuboo shilalka ka dhaca Somaliland,ayaan u aaneynaayaa Degdeg ka yimaadda wadaha,waayo waxaa jira wadooyin raf ah,oo aaney cidina waxba ku noqonin,haddii aad leedahay,waa wadada dhibtu.

Mohamed Haji Essa(Maygaag)(N.N.N)National News Netwerk:Frankfurt.

EX:Bixinta liisamada wadista Gaadiidka,Iyo Taarkaynta J.S/Land

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here