Maxaa Sababaya Shilalka Baabuurta Somaliland. Qormadii 5aad.

0
1641

 

Ummadu sideedaba waa in ay is waydiisaa oo doontaa xalkeeda dhibaatooyinka ku gadaaman ama la soo darsa. Ma jirto dhibaato iyadu iskeed isku xalisa ilaa la darso oo la ogaado halkay ka imanayso (Route Causes), Si loo helo xal waara oo lagu yaraynayo arrintaasi (sustainable Solutions).

Aan u soo daadago dulucda iyo Ujeedada maqaalkaygan oo aan go’aansaday in ay tahay muhiim in laga hadlo arrimahan bulshada ee dadka khuseeya halka badankeenu ku mashquulay siyaasada oo la ilaaway arimihii bulshada (Social & Security).

Sida aynu lawada socono waxa maalin kasta ama inta badan ka dhaca wadooyinka wadankeena shilal aad u badan oo ay dad badani ku naf waayaan, aduunyo badanina ay ku burburto taasoo ayna inta badan shicib iyo dowladba aan lays waydiina waxa sababaya shilalkan soo noqnoqonaya iyo sidii looga hor tagi lahaaba.

Shilalkan oo runtii ah aafo qaran dad badan oo reer Somaliland ahna sahayda ayaa waxa inagu waajib ah siiba xukuumada talada haysa in ay sameeyaan dadaal dheeraad ah oo wax lagaga qabanayo ama lagu darsayo sidii loo yareen lahaa.

Shilalkan oo inta badan ay sababto dhowr arimood oo is biirsaday, badan koodana wax laga qaban karayo ayaa waxa ka mid ah waxyaabaha sahla inay si fudud shilal ku dhacaan, khasaare balaadhan oo naf iyo maalba lehna ay gaystaan dhowr arimood oo ay ka mid yahiin:-.

1. Wado Xumo,
2. Wadis Xumo,
3.Calaamadaha Wado marista oo aan wadooyinkeena inta badan lahayn.

4. Ciidamada Taraafikada oo aan si haboon uga howl galin Wadooyinka.
5.Tandhaafis lagu sameeyo xamuulka ama rakaabka uu gaadhigu qaadi karo……

..lazoco
Qaybta 6aad in shall aah.

Mohamed Haji Essa Maygaag
Germany.
Ex:Bixinta Liisamada Baabuurta
Iyo Taarkaynta J.S.Laand.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here