Maayirka Hargeisa Oo Talaabo Fadeexad Ku Ah Ku Dhaqaaqay Iyo Shacabka Oo Sheeda Ka Daawanaya

0
613
Maayirka Hargeisa Oo Talaabo Fadeexad Ku Ah Ku Dhaqaaqay Iyo Shacabka Oo Sheeda Ka Daawanaya

Duqa golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa ku dhaqaaqay talaabo fadeexad kale uu lugaha kula galay isaga oo sida ay dad ku dhaqaan Xaafadda Jameecaddda ee degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa xaqiijiyeen, kuwaasi oo sheegay in maayarku doonaayo in waddooyin shacabku dhisteen loo diyaariyo in uu Xadhiga ka jaro isaga oo doonaaya in uu kaga gal gasho Cabashada dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, 31 May iyo Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimaddaa Hargeysa oo dhamaantood ku dhawaaqay inay joojiyeen cashuurihii ay siin jireen dawladda hoose ka dib markii wax loogu qaban waayey ee dawladda hoose ku fashilantay inay waddooyin u sameyso adeegyada kale ee bulshadda ku dhaqan degmooyinkani u baahan yihiin sida Biyaha iyo Qashinka ay wax uga qabato.

Talaabadani uu Maayar Cabdiraxmaan (Soltelko) doonaayo in uu iskaga jeediyo isla markaana kaga galgasho Kacdoonka dadka ku dhaqan Degmooyinka Koonfurta Caasimadda Hargeysa ee gaadoodka ay ka qabaan wax qabasho la’aanta iyo dawladdii hoose ee Hargeysa oo shaqadii iyo waajibkii shacabka degmooyinkaasi ku dhaqan ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay awgeed ku dhawaaqay inay joojinayaan cashuurihii ay dawladda hoose ka qaadi jirtay maadama ay ku fashilmeen xildhibaanadii ay iyagu soo doorteen ee metelayey dadka degmooyinkani ku dhaqani, ayaa sida ay xoguhu sheegayaan , waxa uu Mayar Soolteelko u soo diray rag Madax dhaqameed iyo dadka Xaafadda Maxamuud Haybe ku dhaqan magacooda metelaaya oo qaarkood Afmiishaariin yihiin, kuwaasi oo uu ka codsaday Maayarku inay u soo xaadhaan una diyaariyaan Waddo Laami ah oo Xaafadda Jameecadda ee Koonfurta Hargeysa degani iska wax u qabso ku dhisteen dhawaan, lana dhamaystiray 4 bilood ka hor oo haatan ay Gaadiidku isticimaalo waddadaasi , waxaana waddadani Laamiga ee bulshadda ku dhaqan Xaafadda Jameecadu gacantooda iyo lacagtooda ku dhisteen ay ka soo bilaabanta meel u dhaxaysa Kaalinta Ilma-Bootaan iyo Maqaaxida Jiica ee laqa xaqweeyo , wadadaasi oo Hawd ilaa 1KM oo Dhinaca Libaaxyada ah ku dhamaata.

 

Wararku waxay inta ku darayaan sido kale Wadada laamiga ee Iska wax u qabso ay ku dhisteen Dadka ku dhaqan Xaafada Jameecada ee Hargeysa, ayaa ah Waddo qiyaastii ilaa 700Mitir dhererkeedu isla markaana dadka xaafaddaasi ay ku qaadatay dhismaheedu mudo 5 sanno ka badan iyada oo marar badan ay isku dayeen dadka xaafaddaasi inay dawladda hoose gacan ka geysato dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi ayaanay suurto gelin balse 5 sanno ka dib horaantii sannadkani 2018-ka ay ku guulaysteen inay iska wax u qabso ku dhamaystiraan Laamidani.

Dhinaca kale waxa jirta Waddo dhererkeedu yahay ilaa 500Mitir oo ka bilaabanta Waqooyiga Xarunta Degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa soona qabata ilaa Wershadda Furshaanta sameysa ee Al-Khayraad taasi oo dhismaheeda iyo dhamaystirkeeda ay dhawaan hirgeliyeen wershadda Furshaanta iyo Shirkadda Telesom oo dhaqaalaha ku baxay dhismaha wadadani ay iyagu bixiyeen ahna wado Laami ah oo hada gaadiidku isticimaalaan, wadadaasi oo la doonaayo inay ka timaado dhinaca Maxamed Mooge lana gaadhsiiyo Kaalinta Kaalinta shidaalka Cabdi Faras ee Laamida Berber aka timaada ee Bariga Hargeysa ay ku soo dhacdo, lamina oga in Maayar Soltelko sida Waddadani Xaafadda Jameecada oo kale uu doonaayo in iyadana uu aroorta la iman doono Saxaafadda si uu xadhiga uga jaro isaga oo ay suurto gal tahay in uu uga dan leeyahay in uu Indhaha dadweynaha ku dhaqan Degmadda Maxamed Mooge ee wax qabad la’aanta ka cabanaayey Sawir Wanjalaad u muuqda ugu dul galo iskagana jiheeyo indhahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here