Halkan Ka Akhri Qodobadii Ka Soo Baxay Shirwaynihii BEELAHA GAASHAN BUUR AXMED ,BAYLE IYO FAAHIYE FAARAX (HABAR-JECLO) Ee Ka Socday Magaalada Burco.

0
557

hir Afartii casho ee ugu danbeeyeyba Magaalada Burco uga socday Beelaha Gashaanbuur Axmed, Beyle Iyo Faahiye Faarax ayaa maanta si rasmi ah ugu soo gaba-gaboobay

Burco (Burcoonline) 24.10.2018 Shir Afartii casho ee ugu danbeeyeyba Magaalada Burco uga socday Beelaha Gashaanbuur Axmed, Beyle Iyo Faahiye Faarax ayaa maanta si rasmi ah ugu soo gaba-gaboobay gudaha magaalada Burco. Waxaan shirkan xidhitaankiisa ka soo qayb galay xubno ka socday Xukuumada S/land , Xisbiyada Mucaaradka , maamulka gobolka Togdheer Iyo Degmada , Salaadiin, cuqaal,waxgarad odayaal,,ganacsato,siyaasiyiin miisaan culus leh, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan
Shirweynaha Mubaarik 7 ee Beelaha Gashaanbuureed ee Ilma Faarax Cabdile (HJ) Ayaa waxuu Ahaa guud ahaan Shir Dhaqan Oo Ay sanadkiiba mar Yeeshaan Beelaha Gaashan buur Axmed ,Bayle Iyo Faahiye Faarax Habarjeclo ,Shir Dhaqameedkani Ayaa Intii Uu Socday Waxaa Laga Soo Saaray 15 Qob.
Qodobada Bayaanka:-
1- Beeshu waxaay sibuuxda u taageersantahay jiritaanka iyo gooni’isutaaga Somaliland.
2- Beeshu waxay si buuxda u taageersantahay dawladda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Muuse Biixi Abdi.
3- Beeshu waxay kamidtahay beelwaynt Habarjeclo waxaanay diyaar u tahay in ay ka shaqayso midnimadada iyo wadajirka beelaha Habarjeclo.
4 – Beeshu waxay baaq nabadeed u diraysaa dhamaan deegaanada Soomaalida ee ay ka jiraan colaadaha iyo dagaalada sokeeye waxaanan ugu baaqaynaa in Ilaahay laga baqo lana joojiyo dhiiga muslimka ee daadanaya.
5-Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan bulshada reer Somaliland in aynu ilaashano nabadda iyo xasiloonida oo ah furaha nolosha.
6 – Beeshu waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland in tabashooyinka jira xalwaara loo helo.
7- Beeshu waxay ugu baaqaysaa xisbiyada iyo bulshada Somaliland in meel looga soo wada jeesto sidii loo ilaalin midnimada iyo wadajirka qarannimadda Somaliland wixii tabasho ahna loo maro wadada wadahalka iyo walaalnimadda.
8- Beeshu waxay diyaar u tahay inay kaalin mug leh ka qaadato turxaansaarka iyo isu soo dhawayta bulshada reer Somaliland.
9- Shirku wuxuu ku baaqayaa in la ilaaliyo deegaanka lagana dhawro wax walba oo waxyeelo ku ah, dawalduna ay dadaalkeena ilaalinta deegaanka ay sii kordhiso.
10- Beeshu waxay islagaray in la hormariyo baahiyaha asaasiga ah ee kajira deegaanada ay degto iyadoo lala kaashanayo dawladda iyo cidwalba oo kaalin ka gaysan karta sida qurba jooga iyo hay’adaha samofalka.
11- Beeshu waxay ugu baaqaysaa qurbajoogta Gaashaanbuur in ay xoojigaan midnimadooda iyo wadajirkooda isuna kaashadaan sidii ay dalkooda usoo maalgashan lahaayeen.
12- Shirku wuxuu go’aan ku gaadhay in lasameeyo Hay’ad Samofal oo ka shaqaysa arimaha kheyriga iyo wacyigelinta bulshada.
13- Shirku wuxuu ugu baaqaayaa Dawladda, golayaasha qaranka, xisbiyada qaranka culimada,ganacsatada,dhalinyarada iyo dhamaan bulshada Soomaliland in meel looga soo wadajeexto aafooyinka MAANDOORIYAASHA SIDA QAADKA, KHAMRIGA IWM IYO QABYAALADDA XADHKAHA GOOSATAY, gaar ahaan dhalinyadu inay arimahaa ka fogaadaan.
14- Shirku wuxuu ugu baaqayaa warbaahinta Inay Ilaahay ka baqaan oo ay joojiyaan faafinta wax walba oo bulshada wax yeelo u ah oo ay kamidtahay qabyaaladda.
15- Ugu danbayn , Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in umadda muslimka ah guud ahaan gaar ahaanna umadda Soomaaliyeed uu ka dulqaado dhibaatooyinka haysta wixii wanaag ah ee ay haystaana uu ukordhiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here