Xafladii Soo Dhaweynta Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Magaalada Birmingham.

0
1199

Waxaa habeenkii Axda ee bishan October ay ahayd 28/10/18. Lagu qabtay Magaalada Birmingham ee badhtahama dalkan Ingriiska xaflada si Wayne loo soo Agaasimiya oo ay soo abaabuleen gudiga laanta Birmingham ee Xisbiga Waddani.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan jaliyada Somaliland ee magaalada Birmingham iyagoo wada jira xisbiyada mucaarada iyo muxaafada aan u kala hadhin ,aadna ay ugu amaanan yihiin isku duubnaanta iyo waxa wada qabsiga danta guud ee qaranka jamhuuriyada Somaliland.
Ducadii furtaanka  xaflada iyo hadaladii soo dhaweynta ee odayada iyo waxa garada magaalada Birmingham ka dib.
Waxaa khudbado  hoga tusaale,dardaaran iyo warbixino iskugu jira halkaas ka soo jeediyay madaxdii ,wafdiga gudoomiyaha oo aan ka xusi karo,xildhibaan Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasin dheeg iyo Boqorka Geeska Afrika Boqor Axmed Iiman Warsame.
Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan qoraal ku soo koobi karin hadaladii qimaha badnaa ee ay soo jeediyeen.Hase yeeshee aad ka daawan doontaan warbaahinta.Haddii eebe Edmo.
Waxaa gunaanadkii xaflada soo afmeeray Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cairo.
Waxaanu ugu horeyn  Baaq nabadeed u diray beelaha koonfurta gobolka SOOL.
Waxaan mar walba hadalkayga ku furaa kun celi celinayaa baaq nabadeed ee beelaha walaaladeen ee shaydaanku ka dhex shaqeeyay in ay iska naaraan shaydaanka samaha iyo nabadan ilaahay tuso.
Waxaa dalkeen maanta haysta colaado ragaadiyay dhaqaale,fadhiid ah ,biyo la’aan ,caafimaad daro,nabada gelayo xumo,Siyaasadii Arimaha dibada waad ka war hayaan.
Labada wasaaradood ee Gudaha iyo dibadu waa laf dhabarka dawladanimada labadiiba galooc badan ayaa ku jira .Xukuumada kulmiye way toosin karin wayday.
Markaad eegto xaalku halkuu marayo eegan kari mayno waa in aynu wadjira ugu gurmanaa oo aynu samato bixinaa dalkeeen badbaaduu inooga baahan yahay dalkeenii iyo dadkeeniiba maanta.Ceel uma qodna Ciidan uma maqna.Ilaahay .Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay taakulenta, taageerida iyo dib u curashada labadaas wasaaradood ee hawl gaba noqday Gudaha iyo Dibada.
Ugu dambeyntii waxaa xafladaasi lagu soo bandhigi Daahfurka Buuga .
DHAXAL ABWAAN ee uu qoray Abwaan Maxamed maxamuud yaasin dheeg .
Oo u la dar doorinayay Abwaan Mawlid Qulqul oo waxa yar ka tabtay murtida ku duugan buuga dhaxal abwaan ee qoraa abwaan dheeg xalay Marti badan halkaas ka soo jeediyay .
Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK.
Birmingham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here