-Waa Kuma Masuulka Cunaha Iska Duuba Horumar Kasta Oo Wasaarada Warfaafinta Iyo Xil Ka Qaadista Xilalka Wasaaradaasi

0
1447

Sida Aad La Wada Socotaan Waxaa Mar Kasta Kusoo Noqnoqda Wasaarada Warfaafinta Somaliland Muran Baahsan Oo Sababa In Xubno Xilal Hayaa Shaqada Baneeyaan Kaasi Oo Lug Ku Leh Qaabka Maamul Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland.
Wasaaradan Ayaa La Wada Og Yahay Inay Muhiimad Gaar Ah Ugu Fadhido Qaranka Maadaama Ay Tahay Goobta Warfaafineed Ee Ay Ku Yaalaan Idaacada Qaranka,Muuqbaahiyaha Dawlada Iyo Wakaalada Wararka Somaliland Ee SOLNA
Hadaba Waxaa Jirta Xubno Qarsoon Oo Hawlaha Shaqo,Maamul Iyo Awoodeed Ee Wasaaradani Daaha Dabadiisa Ka Maamula Xili Aanay Bulshadu Laba Socon Kooxda Iyo Shaqsiyadooda Gaarka Ah Kuwaasi Oo La Odhan Karo Way Ka Awood Sareeyaan Wasiirada Iyo Agaasimayaasha Guud Ee Soo Mara Wasaaradaasi
Waxaa Lala Wada Socdaa Khilaafyo Baahsan Oo Soo Maray Wasaarada Warfaafinta Kaasi Oo Qaarkood Sababeen Gacan Ka Hadal Dhex Mara Masuuliyiin Isku Shaqo Iyo Xilka Xayuubin Lala Beegsado Masuuliyiin Gawracooda Lagu Qorsheeyey Daaha Dabadiisa.
Waxaan Idiin Soo Bandhigi Doonaa Warbixino Taxane Ah Oo Aanu Ku Eegayno Waa Kuma Shaqsiga Ka Danbeeyey Xilka Qaadista Wasiirkii Ugu Horeeyey Ee Wasaarada Warfaafinta Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Ilaa Kii U Danbeeyey Iyo Agaasimayaal Birta La Dhaafiyay
Waxaanu Soo Bandhigi Doonaa Xogaha Xilka Looga Qaaday Agaasime Cali Caliyoow,Xadhigii Uu Caddaani Kula Kacay Gabadh Shaqaale Ka Ahayd Wasaaradaasi Oo Lagu Magcaabi Jiray UGAASO,Shaqaale Baahsan Oo Wasiir |Guri Barwaaqo Uu Ka Caydhiyay Shaqadii Ay Qaranka U Hayeen Kuwaasi Oo Ahaa Suxufiyiin Badan Oo Ka Shaqaynayay Warbaahinta Idaacada Iyo Telefishanka Ee Dalka
Dhanka Kale Waxaan Idiin Soo Bandhigi Doonaa Qoraalo Iyo Waraaqo Lagu Lunsaday Hanti Dawladeed Oo Masuulkani Ku Kacay Kuwaasi Oo Aanu Dabagal Dheer Ku Samaynay
Xubintan Yaabka Leh Ayaa Dhamaanba Masuuliyiinta Wasaarada Loo Soo Magcaabo U Qorshaysa Taatikooyin Ay Kula Wareegto Awoodiisa Oo Ah U Soo Bandhigista In Wasiirka Ama Agaasimaha Guud La Siinayo Guri,Gaadhi Iyo Wax Kasta Oo Uu U Baahan Yahay Maadaama Uu Xilku Ku Cusub Yahay
Xasan Muxumud Maxamuud Waa Agaasimaha Waaxda Maamulka Iyo Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Waana Xubin Mudo Dheer Wasaarada Dhex Taagnayd Oo Aan La Ogayn |Sababaha Ay Awooda Intan Leeg Siisay Iyo Halka Ay Dabada Ku Hayso Marka

Waa Biloowga Qormooyin Taxane Ah oo Aanu Kusoo Gudbin doono Dhacdooyin Yaab Uf Ana Leh Qabyalad

LA SOCO HABEEN DANBE iyo Mareegta Shabakada Wararka Somalifree

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here