ABAALOOW LAGU BARAY- QABYAALADEEY LAGU NAC

0
540

Mujaahid Ali Yussuf [ Ali Guray ] Ina adeer xisbiga KULMIYE waxa uu ku dhisan yahay qaab beeleed oo ah xuddunta qabyaaladda, xubnaha golaha dhexe waxaa lagu soo xulaa isla qaabkaa uu ku dhisan yahay ee beelaha, lama tixgeliyo garabyo xisbi ama ururada siyaasadeed ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE.

Waxaa tusaale iga ah, waxa aan ogaa heshiis-kii ay kala saxeexdeen Urur siyaasadeed-kii DALSAN ee uu guddoomyaha ka ahaa EX wasiir Ismaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Xisbiga Kulmiye waa 6 sanno ka hor, waxaa qodobada heshiiskaa ka mid ahaa in uruka DALSAN laga siiyo xisbiga Kulmiye 2 xubnood oo fulinta ah iyo 30 xubnood oo golaha dhex ah.

Muddo kadib heshiis-kaa waxaa daaqada ka tuuray madaxwayne Muuse Biixi wacad kiina ka baxay waa inta aanu madaxwaynaha noqon waan-waan dheer kadib waxaa loo baryay inuu Ismaaciil yare kaligii la siiyo hal xubin oo golaha dhexe ah tiina waa loo diiday.

Ugu dambeyn waxaa loogu jawaabay meesha beelo ayaa lagu qeybsaday beeshiisa Sacad Muuse gaar ahaan reer samatar ha u soo xushaan ka mid noqoshaha golaha dhexe. Muddo kadib Ismaciil yare waxa la siiyey hal xubin oo ka mid ah 10-kii xubnood ee madaxwayne SIILAANYO loo kordhiyay.

Waxa aan boqolkiiba boqol hubaa in adiga, Aqoonyahan Jamal Ali Husseiniyo mas’uuliyiintii New Ucid ee garabkiina la socday laydin marin doono halkii Ismaciil yare la mariyey oo kale lagu odhan doono ardaaga Nuux Ismaaciil ha kuu soo xushaan ka mid noqshada xubnaha golaha dhexe sidoo kalena siyaasi Jamaal Cali Xuseena iyo raggaa kaleba la odhan doono sidaa si la mid ah.

Sida oo kale waxaa boqol kiiba boqol ii cad in aad maanta guranaysaan midhahii qadhaadhaa ee qabyaalada aad gacmihiina ku beerateen oo ahayd qaabkii aad ugu biirtay xisbiga Kulmiye oo ahaa qaab beeleed marar badana fagaare yaal bulsho kaga dhawaaq-deen.

Garabkii kale ee New Ucid ee la baxay garabka Aqlabiyadda Ucid waxa ay ku soo biireen xisbiga WADDANI waxaana lagu heshiiyay in lasiiyo 3 xubnood oo Hogaanka ah waana loo fuliyay 3 xubnood oo Fulinta ah waana loo fuliyay 2 xubnood oo Garabka haweenka ah waana loo fuliyay iyo 30 xubnood oo golaha dhexe ah.

Ugu dambayn, waxa iga talo ah sadex qodob mid yeela :-
1- Qabyaalada aad gasheen ku adkaysta.
2- Caano daatayba dabadood la qabay marka xisbiyada la furo xisbi cusub furta waa haad wali wada socotaane.
3- Ama Xisbiga WADDANI kaalaya gacmo waaway oo furan ayaanu idin ku soo dhaway naynaaye.

Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here