Dalka Norway, gaar ahaan magaalada Akkarfjord ee gobolkaasi Finnmark ayaa waxaa ku dhashay geel yar oo taariikhda galay kadib markii uu noqday kii ugu horreeyay ee taariikhda ku dhasha dalkaasi.

0
483

Geelkan yar oo gabar ah ayay qoyska dhaqda waxa ay ula bexeen Vilje, waxaana sidoo kale ay magco u sameeyeen waalidiinteeda oo ay ugu kala yeereen  Bor iyo Bestla.

Qoyskan geela ku dhaqda Norway ayaa waxaa ay ka cabanayaan hurdo yari soo wajahday tan iyo markii ay xoolahan keensadeen, waxaana ay qireen in tacab badan u baahan tahay dhaqashada geela.

Tirada geela ee ay haystaan ayaa ah 3, nirigta cusub iyo labadeeda waalid.

Dalka Norway oo ku yaal waqooyiga Yurub ayaa ka mid ah meelaha ugu qabow addunka xilliga qaboobaha, geela iminka joogana waa mid la geeyay oo wax geela horay uguma nooleyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here