“Shirkadda Al-Carabiya Tigidhadii Ay Nagaga Iibisay Basaboorka Somaliland Ayay Diidday In Aanu Ku Raacno” Agaasime Cabdilaagi

0
359
“Shirkadda Al-Carabiya Tigidhadii Ay Nagaga Iibisay Basaboorka Somaliland Ayay Diidday In Aanu Ku Raacno” Agaasime Cabdilaagi
Agaasimaha Maxadka horumarinta manaahiijta ee Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, ayaa sheegay in ay wax sharciyadda ka baxsan oo aan meelna kaga jirin qaanuunka dalka iyo ka caalamiga ah ee socdaalka in ay kula kaceen madaxda shirkadda diyaaradaha ee Al-Carabiya masuuliyiinteeda u jooga Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in ay xafiiska shirkadda diyaaradaha ula tageen baasaboorka Somaliland oo laba qof ah, isla markaana wata fiiseyaashii dal ku galka ee dalka Turkiga ka dibna ay ka iibiyeen tigidhadii ay ugu safri lahaayeen dalka Turkiga, iyagoo socdaal (Taraansid) ku sii mayara magaalada Shaariga, ballanta socdaalka dhoofkooduna uu ahaa in ay maalinta Jimcaha ay afarta subaxnimo ku kallahaan madaarka oo ay sidaa ku dhoofaan.

Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay wasaaradaha waxbarashada iyo sayniska iyo arrimaha dibedda iyo iskaashigacaalamiga ah oo uu sheegay in ay dedaal aad u wayn u galeen sidii dhakhtar caafimaad oo dibedda ah loogu diri lahaa iyo qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa oo uu iyadana ku ammaanay in ay fiiseyaashii dal ku galka siisay oo ay u fiisaysay baasaboorka Somaliland.

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in shirkad diyaaradeed oo ka hawl gasha Somaliland in ay diido in ay dadku ku raacaan baasaboorka Somaliland iyada oo waliba markii hore tigidhadii diyaaradda kaga iibisay baasaboorka Somaliland.

Agaasime Cabdillaahi oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa yidhi. “Muddooyinkii u dambeeyay waan xannuunsanayay oo dhakhtar ayaan ku jiray, wasaaraddayda waxbarashada iyo sayniska iyo wasaaradda arrimaha dibedduba waxay dedaal ballaadhan u galeen sidii aan u heli lahaa cisbitaal dibadeed oo aan caafimaad ugu boxo, taasina waxay sababtay in wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha dibeddu ay ka hawl galaan in safaarada Turkigu ku leeyahay Somaliland ee Hargeysa in ay fiise iiga raadiyaan, nasiib wanaag safaaraddaasi waxay na siisay laba fiise oo aanu ku tagno Turkiga aniga iyo xaaskaygu, iyadoo noogu fiisaysay baasaboorka Somaliland oo ay dal ku galkii noogu soo saartay laba baasaboor oo Somaliland ah oo aanu kala leenahay aniga iyo xaaskaygu, markii aanu fiiseyaashii aanu helnay waxaan tigidhadii diyaaradda aanu ku tegi lahayn Turkiga aan ka iibsaday shirkadda diyaaradda ee Al-carabiya oo noo sheegtay in aanu taraansid ahaan ku sii marayno Shaariqa, ballanta dhoofkayaguna waxay ahayd maalinta Jimcaha in aanu afarta subaxnimo tagno madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa oo aanu subaxnidii saaka (shalay) aanu ka dhoofi lahayn.”

Agaasime Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa raaciyay in markii ay madaarka tageen in ay kala kulmeen arrin aanay filayn oo u cuntami wayday oo kaga yimi shirkaddii ka iibisay tigidhada diyaaradda ay ku raaci lahaayeen. Waxaanu yidhi “Markii aanu tagnay madaarka ayay shaqalihii diyaaradda u joogay madaarku waxay naga qaadeen baasabooradayadii markii ay arkeen in ay Somaliland yihiin ayay meel gaar ah na fadhiisiyeen waxaanay nagu yidhaahdeen waxaanu la hadlaynaa Shaariga in ay idin aqbasho in aad baasaboorka Somaliland ku tegi kartaan iyo in kale, ka dib waxaan u sheegnay in aanu ku socono Stanbul oo aanaan Shaariqa u socon, laakiin aanu taraansid ku nahay, laakiin siday noo meer meerinayeen ayay gaadhay xilligii ay diyaaraddu kacaysay, waxaanay ugu dambayn noo sheegeen in aanaan ku raacayn diyaaradda baasaboorka Somaliland oo ay diideen, sidaas ayaa diyaaraddii naga iibisay tigidhada aanu kaga soo goosanay baasaboorka qaranka oo fiisaysan oo fiiseyaashii dal ku galka ee Turkiga oo sharci ahna aanu u wadanay ay ku diideen.”

Waxaanu agaasime Cabdilaahi oo qiiraysani uu intaa raaciyay, “Haddii aanay ogolayn shirkaddu in baasaboorkeena lagu raaco, waa in aanay dalka ka shaqayn oo aanay macaash inoo soo doonan, iyadoo inna diidan.”

Waxaa uu intaa raaciyay in markii ay arrintaasi ku dhacday in uu masuulkii shirkadda Al-carabiya airline u joogay madaarka in uu ka qortay waraaq uu ku caddaynayo in uu isagu ka reebay diyaaradda, sababta uu uga reebayna ay ahayd oo keliya in ay siteen baasaboorka Somaliland oo ku fiisaysan fiisaha dal ku galka ee Turkiga. Waxaanu yidhi “Markii aanu diyaaradda sidaa kaga hadhay waxaan ka qoray masuulkii shirkadda AL-carabia airline u joogay madaarka in uu isagu iga reebay diyaaradda waxaanu ii qoray waraaq uu ku caddaynayo sababta uu diyaaradda noogu diiday in ay tahay baasaboorka Somaliland ee aanu sidano, haddaba waxaa loo baahan yahay in hay’adaheena ku shaqada leh ee ay wada shaqaynta leeyihiin shirkadaha noocaa ula dhaqmaya baasaboorkeena in ay tallaabo ka qaadaan oo aanay madaarkeena bahdilaad dambe kaga dhicin baasaboorkeena oo ka mid ah astaamaha qaran ee aynu leenahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here