Somaliland: Soddon Sannadood Buu Cadowgii Ku Dul Meehanaabay

0
991

Waar, dadkii iyo dalkii nabad ma ku baraarugeen,
Waar, qorraxdii ma soo baxday,
Waar, calankii Somaliland ma ka dul babinayaa dalkoo dhan,
Waar, hadday weli sidaa tahay maxaa iga galay meehanaabka cadowgeena,

Soddon sannadood bay kuwan leh “Somali midnimmo” oo runtiina ah cadowga ugu waaweyn ee Somaliland leedahay, oo ka kooban faqashtii la eryay iyo dabo dhilifyadoodii, lahaayeen, ” wataa Somaliland burburtay”.

Bal dadyahow, wixii jabkaaga doonaya maxaad wakhtiga ugu lumin oo aad kala hadli?

Ma kuwa ilaa iyo 1960 ka cabaadda wixii horumar ah ee ay Somalialand gaadho?

Ma kuwii lixdankii wax walba Xamar ula cararay, oo ilaa iyo maantana sidaa doonaya?

Ma kuwii haddii dekedda Berbera ama laamiga ilaa Ceerigaabo la dhiso cabaadaya ayeynu wax kala ka filaynaa?

Waa maya.

Hadaba, maxa isugu keen hadhay Soomaaliya, oo aan ahayn, ” Ilmaadeerayaal aynu xisaabtanno, ka dibna kala socono”?

Weligeed ba la lahaa ciidan bay Soomaaliya dhisaysaa , oo Turkish iyo hebel baa tababaray, kuwii Midowga Soofiyeeti iyo Mareykankaba tababarayba meeshay mareen waa la ogyahay. Waxaa la yidhaahdaa dhallinyarta ayaa loo haadinaya oo Muqdisho loogu yeedhadayaa, kuwii curdun ah, ee caqli yari, iyagaa soo arki beenta iyo dulmiga, doqon lixdan jir ah saaxiibadii habeen lagu xasuuqay xeebta Jasiira ayaa Xamar maanta fadhiistay? Somaliland waxaa iyo kuwaas oo dhan, waxba uma noqoto.

Samo Ku Waar

Allaa Mahd Leh

Axmed Kheyre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here