Madaxweyne Farmaajo Oo Raysalwasare Abiy Axmed Weydiistay Inuu Hargeysa U Kaxeeyo

0
712

Cajiib. Arrin Cajiib ah, waxaa la yidhi in uu Raisal Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, oo beryahan daa’dihinayey, Maxamed Cabdillahi Farmaajo, oo marna Nairobi u kaxee, marna Qaahira u kaxee, ku jiray, ayuu Farmaajo ka dalbaday in Hargeysa loo kaxeeyo!

Cajiib. Farmaajo hadduu doonayo in uu Hargeysa yimaado, yaanu ku soo dabo dhuuman Dr. Abiy. Waa inuu aqbalo jiritaanka Somaliland, waa inuu aqoonsado Somaliland, waa inuu caddeeyo wuxuu ka yidhi xasuuqii ka dhacay Somaliland, ee ay geysatay dawladda adeerkii horboodi jiray. Waa inuu sida ragga, markuu intaas oo dhan ka soo baxo, uu codsi u diro shacabka iyo dawladda Somaliland.

Waxaad moodaa in uu “abwaankii” ku mirqaamay, Garoowe, ee yidh ” Sadaatba Tel-Aviv buu ka degay” Saaqid. Masar iyo dalka Yuhuudu haysato waxaa yihiin laba dal oo madaxbanaan. Markaa runtuu sheegay, oo Somaliand iyo Soomaaliya, waa laba dal oo jaar ah oo madaxbanaan. Intuu dollarkii la siiyey la tagay buu “abwaanku” yidhi ” Ama tiirka ee geeya, ama taajka i saara”. Saxiib, cidna taaj kuma saaraso, tiirkana raggii u qalmay, aakhiraa lagula xisaabtamayaa, ee waxba ha soo lug go’in.

Waxaad moodaa in uu Farmaajo midhidhkaa run mooday. Saaxiib, marka hore sida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dadka cod ka hel. Doorasho xor iyo xalaal gal. Dawlad ku sheegu ha dhaafto Villa Soomaaliya, askartan ajnabi ee aad ku dabo dhuumanasaan iska eri, been abuuraka Somaliland iska daa. Weligaa ma gaadhi gaashaaman iyo askarta AMISON baad ku dabo dhuuman, mise, Ra’iisal Wasaare dal kale baa sida carruurta ku daa’dihin.

Cajiib.

Markay Somaliland leedahay wax allaale wax aan wadahadal la galno Soomaaliya ma joggaan, hadduu Farmaajo tusaale ka yahay, waxbaa ka jira.

Waa Bilaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here