Weedho Kala Fogeyna Shacbiga Oo Ka Soo Yeedhay Sameele Iyo Siyaasiyiin Si Adag Ugu Jawaabay Kuna Eedeeyey Inuu Qasnada Dowlad U Isticmaali Jiray Sidii Dukaan Uu Leeyahay

0
515

Weedho Kala Fogeyna Shacbiga Oo Ka Soo Yeedhay Sameele Iyo Siyaasiyiin Si Adag Ugu Jawaabay Kuna Eedeeyey Inuu Qasnada Dowlad U Isticmaali Jiray Sidiid Dugaan Uu Leeyahay

Wasiirkii hore ee Maaliyadda cahdigii Xukuumaddii Siilaanyo Ex Wasiir Samaale, isla markaana hadda kamid ah adeeyagaasha ugu dhow-dhow Madaxwyne Biixi, ayaa wakhtiyo kala duwan oo ku sugaan Boorama ku dhaaway haddalo xajiimaysan, kuwaas oo shacbiga reer Somaliland sii kala fogaanaya, isagoo badhkood shacbiga ku eedeeyey inay cadow ku yihiin Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa

Haddaba waxa haddalkaasi ugu horreyn sida adag uga jawaabay Siyaasi ex Wasiir Aadan Cilmi dhoolayare waxaanu haddalkiisu u dhignaa sidan “In aan ka haddlo Wasiirkii hore ee maaliyada Samaale oo haddal meesha ka jeediyey beerlaxawsi xagga Madaxweyna ah oo isaga u gaar ah dhinac-na ka duray Xisbiga WADDANI kuna tilmaamay Cadow, taana aan annigu aaminsanay in Xisbi kastaa ama qof kastaa Maxakamad galaan xaaginkiisa wuu duri karaa oo xaq ayuu u leeyahay khalad iyo sax waxay ahaatoba taasi ceeb ma laha, haddii aad shaqsi tahay oo aad Maxakamada ka ash-katoonayso iyo haddii aad Xisbi tahay oo aad komishan ka ash-katooonayso sharciga ayaa beeneeyay in aad durto ama khaldanow ama sax ahow , takale maanta la iskuma haysto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi waa Madaxweynihii Qaranka weeyeen la iskuma haysto taa, haseyeeshee Samaale waxa uu ku macneeyey Tageerayaashii Xisbiga WADDANI ama ummaddii reer Somaliland inay cadow isku yihiin waa nasiib darro nin weyn oo madax ah .”

Geesta kalene Ex Wasiir Dhoollayare ayaa ku eedeeyey inay sameeli inuu khasanada Dowlada cahdigii uu wasiirka maaliyadda ahaa uu u isticmaali jiray sidii dugaan uu leeyahay, isla markaana uu kula dagaalamayey Madaxweynaha hadda adeegaha u yahay ee Muuse Biixi “Dhinaca kale marka aad ka eegto Samaale waa wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii Siilaanyo waa ninkii diidey wasaaradda wax-barashada oo wasaaradda ugu weyna dalka ama wasaaraddaha ugu waa weyn a kamid ah sababta uu ku diidayna isaga ayaa garanaya,Samaale waa ninkii khasnada Dowlada ee uu masuulka ka ahaa Madaxweynaha maanta jooga kula dagaalamayey ee u isticmaalayey sidii Dugaan uu leeyahay oo kale,waxa wanaagsan qofku marka uu quraanka akhriyayo inuu ku camal falo inuu usoo daliishada dana gaar ah oo uu leeyahay mahaa, taasi waxaan leeyahay inkaa odeyga ah oo aan ku haboonayn inuu ummadda reer Somaliland cadow mahaa waa dad walaalo ah, lakiin waa ka tartamaa tartankuna ceeb mahaa cidii heshana waa loo hambalyeeyey Muuse Biixi Madaxweyne kursigiisa cidi iskuma haysato .”Ayuu yidhi Dhoolayre

Dhanka kalene Amb Axmed Safiin ayaa isna qoraal uu soo dhigay boggiisa Facbuuga kaga jawaabay haddalkaasi ka soo yeedhay Cabdicasiis Samaale  waxaanu u dhignaa qiraalka Axmed Safiina sidan:”Wasiir keenii hore ee wasaarada maaliyada Mudane Abdilaziz Mohamed Samaale oo kamid ah xisbul xaakimka Somaliland ee kulmiye oon hada dhagaystay khud-badiisii uu ka jeediyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye isagoo la dardaar mayay Madaxwayne Muuse biixi cabdi wuxuu mar iyo kabadan ku celceliyay CADAWGEENA iyo CADAWGEENA XISBIGA iyo XUKUUMADA .”

Waxaanu intaasi ku sii daray Amb Axmed Safiina “Mudane Wasiir Bulshada Somaliland cadaw isuma aha, Mucaaradka, Xukuumada iyo sadexda Xisbi Qaran cadaw isuma aha, kaliya loolan siyaasadeed ayaa ka dhexeeya, arintaa aad ku hadashay hadaad si qaldan u tidhi raali galin gole joog ah ka bixi, ileen waxaad tahay musuul umad dhan hagayee, hadaad aamin santahayna ood raali galin ka bixin waydana ogow inay tahay dhibic madaw oo siifiiga kuu gashay.”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here