HA FADHIDO FAROW” CALI GURAY CADEEYAY INAN DOOORASHO DALKA KA DHACAYN IYO SABABTA

0
571

Waryaa!, dalkan doorasho ka qabsoomi kartaa ma jirto eh yaan dadka been loo sheegin. Nadaamkii dimuqraadiyaddda ee Somaliland ay hore u soo dhisatay talo ayaa lagu burburiyay hadda in EBER laga soo bilaabo mooyee ma jirto talo kale. WADDANI IYO KULMIYE oo iyagu leh 82 xildhibaan ee Aqalka Wakiiladu way isla ogol yihiin in aan dalka doorasho ka dhici waxana fulinta u qaabilsan xildhibaanada muxaafid iyo mucaarid isku raacsan in aan wax doorasho ahi dalka ka dhicin iyaguna kuraasida sidaa ugu fadhiyaan. Isaga Cabdiraxmaan Cirro way xukumaan xubnaha hadda WADDANI ah ee wakiiladu kuwa KULMIYANA way ku raacsan yihiin oo waa isku dan. Qolada UCID oo iyaga ay daacad tahay labada kale midna isku dan maaha. Madaxwayne Muse mooyi isagana xaalkiisa waayo xaaladdan oo kale waxa ka saari kara dalka masuulka koobaad ee qaranka oo ah hadba madaxwaynaha kursiga ku fadhiya isaguna khudbad-sanadeedkiisii ugu dambeeyay xataa kuma soo qaadin doorashooyinka muddo dhaafay. Kolkaa xaalku miyaanu noqonayn ha fadhido Farow. Alleh ha u naxariisto dimuqraadiyaddii dhimatay ee Somaliland inta mid kale u dhalanayso-na ha fadhido Farow. Yaase u dhalin ma Cigaal baa nool mise Rayaale ayaa u jooga? Ilayn inta laga burburiyay waa intii ay ladaasi madaxwayne sameeyeene. Ciil iyo cadho waynaa dimuqraadiyadda Somaliland waxa soo dhisay laba madaxwayne oo aan midna SNM ahayn waxana burburiyay laba madaxwayne oo SNM ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here