Gudida Gaashaanbuur Axmed Faarax Oo Sifo Sharciga Baal Marsan Umagacowday Maamul Cusub Degmada Qoryaale.

0
499

 

Guriga Gashanbuur Axmed Farax ku yala magaalada Burco oo noqday xafiski Badhasaabka Togdheer iyo Xaafiski Wasirka Arimaha Gudaha oo magacaabida iyo Xil kaqadiida lahaa

Gudida Gaashaanbuur Axmed Faarax Ayaa Maanta Ku Dhawaaqday Inay Maamul Cusub Usamayeen Degmada Qoryaale , Maamulkaas oo bedeli doona maamulkii hore ee Dawlada ujoogay Degmada Qoryaale.

 

Nimanka ay odayaashu umagacaabeen Degmada ayaa ah niman Dayn Badan oo gaadhaysa $ 50,000 oo Dollar ay Go,antahay, Sidaad aawadeed ay gudidu ugaratay in dayntaasi mudo Sanada ay iskaga soo bixiyaan kharashaadka lagu horumarinayo Degmada Qoryaale.

 

 

Arintani ayaa Amakaag iyo Fajac ku noqotay Bulshada degmada Qoryaale ee Horumarka Doonaysa in Gudida Joogta Burco ay go,aamiyeen in Daynta la iskaga baxsho , Cashuurtii Wax Loogu Qaban Lahaa Degmada.

 

 

Gudida gashanbuurta Ayaa Siweyn ubaal martay Qaanuunka iyo sharciga Dalka Uyaala Oo dhigaya Cida maamul magacaabi kartaa inay tahay wasaarada arimaha Gudaha somailand, Degmada Qoryaale Ayaa Waxaa Ka Socda Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Maamulkani Cusub Ee Loo SameeyeyDegmada Qoryaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here