Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun kasoo saartay shaqaaqadii dilka sababtay ee ka dhalatay guurka lammaanahan

0
472

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda dilka ee bishii September ee sanadkii hore 2018 loogu geystay degmada Yaaqshiid Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo) oo adeer u ahaa wiil guursaday gabar ka dhalatay mid ka mid ah beelaha ugu tunka waaweyn magaalada Muqdisho.

Guurka lammaanahan oo ahaa mid eysan raalli ka aheyn qoyska gabadha ayaa waxaa uu sababay in nolosha lagu gubo marxuum Axmed Dowlo, sidaasna uu ku dhintay.

Eedeysanayaasha lagu xukumay dilka ayaa waxay kala yihiin Xuseen Iidow Maxamed, Aweys Iidow Maxamed iyo Asli Cabdulle.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed,isla markaana sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here