Xaliima Aadan oo ah modalad soomaali ah oo taariikh cusub ka samaysay Maraykanka

0
1036

Gabadh Soomaaliyeed oo dhalasho Maraykanka ah haysata ayaa taariikh cusub dhigtay ka dib markii ay noqotay gabadhii u horraysay ee Muslim ah ee ka soo muuqata jariidadda caanka ah ee Sports Illustrated iyadoo xijaaban.

Xaliimo Aadan ayaa ka soo muuqatay qaybta sannad laha ah ee lagu soo bandhigo dharka lagu dabaasho waxayna ka soo muuqatay iyadoo jirkeeda oo dhan uu asturan yahay marka laga reebo inta aan cawrada ahayn ee sida wajiga, gacmaha iyo cagta qaybteeda hoose.

“Gabdhaha da’da yar ee xijaabka xirta waa in ay meel walbe ka helaan gabadh iyaga oo kale oo ay ku daydaan,” ayay tiri Xaliimo oo BBC la hadashay.

Xaliimo Aadan oo ku kortay xero qaxooti oo Kenya ku taalla ayaa u wareegtay Maraykanka iyadoo toddobo jir ah, wax yar ka dibna waxay billawday in ay xirato xijaabka.

“Hadda waxaan aragnaa siyaasiyiin, dumar ganacsada, saxafiyiin telefishinno ka shaqeeya iyo dumar kale oo nolosha guul ka gaadhay iyaga oo xijaaban, taasina waa fariinta aan doonayno in aan dirno” ayay tiri.

“Fal celinta aan helay waa mid cajiib ah ayay tiri, sharaf ayayna ii tahay in jariidadda Sports Illustrated ay qaaddo tallaabo ay ku soo bandhigayso quruxda dumarka xijaaban.”

Sports Illustrated oo boggeeda hore ay ka soo muuqdeen Tyra Banks iyo Beyonce waa jariidad laga leeyahay dalka Maraykanka inta badanna waxaa ku taxan ragga, siyaabo kala duwan ayaana looga falceliyay.

Qof ka mid ah dadkaas ayaa Twitter-ka ku soo qoray “Haddii aad xijaab xiranayso, jirkaagana aad daboolayso ama diintaadu haku farto ama yaysan ku farin ee waxay arrintaasi liddi ku tahay sawirradii quruxda dumarka daaha ka rogayay ee jariidadda looga bartay.

Qof kale ayaa yiri “haddii meesha lagu soo bandhigayo dharka lagu dabaasho oo noocyo kala duwan ah si ay dumarku u gataan way iga dhaadhici lahayd” Balse jariidad rag loogu talagalay marka lagu soo sawiro. Ujeeddadii xijaabka ayayba garab marsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here