Saacadaha Soonka Adduunka: Kuwa ugu badan uguna yar. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
442

Sannadkan 2019 miilaadiga oo waafaqsan taariikhda Islaamka 1440, soonka mulsimiinta adduunku aad ayuu u kala fog yahay,

marka laga eego dalalku siday u kala durugsan yihiin dhinaca cadeed soo baxa iyo cadeed dhaca. Haddii aynu ku horayno dalka muslimiintiisu soomayaan saacadaha ugu badan adduunka, waxa kaalinta koowaad galay dalka ICELAND oo laga soomayo ku-dhawaad 20 saacadood. Kaaliinta labaad ee muslimiintoodu soomayaan saacado badan waa dalalka FINLAND iyo GREENLAND oo soomaya 19 saacadood iyo shan labaatan miridh, halka NORWAY iyo SWEDEN ay soomayaan 19 saacadood iyo sagaal iyo toban miridh.

 

Markaynu eegno dalalka ay muslimiintiisu soomayaan wakhtiga ugu yar ama saacadaha ugu yar, waxa kaalinta koowaad galay dalka CHILE ee ku yaalla koonfurta Maraykankan, waxa aanay muslimiintoodu soomayaan 10 saacadood iyo saddex iyo soddan miridh. Waxa sidoo kale kaalinta labaad galay dalka NEW ZEALAND oo laga soomayo 11 saacadood iyo shan iyo soddon miridh. Waxa ku sii xiga oo kaalinta saddexaad galaya dalalka SOUTH AFRICA, BRAZIL iyo AUSTRALIA oo ay muslimiintoodu soomayaan 11 saacadood iyo dhawr iyo afartan miridh iyo dheeraad. Haddii aynu eegno dalalka kale ee Yurub, dalalka NETHERLANDS, BELGIUM iyo GERMANY waxa ay soomayaan 18 saacadood, halka dalka SPAIN muslimiintiisu soomayaan 17 saacadood.

Dhinaca dalalka bariga dhexe, dalalka KUWAIT, CIRAQ, SAUDI ARABIA iyo JORDAN waxa ay soomayaan 15 saacadood, halka dalalka waqooyiga afrika ee kala ah, MOROCCO, ALGERIA, TUNISIA iyo LIBYA ay soomayaan 16 saacadood. Hasayeeshee muslimiinta dalka SUDAN ayaa soomaya 13 saacadood. Dalalka PAKISTAN iyo BANGLADHESH waxa ay soomayaan 14 saacadood, halka dalka INDIA laga soomayo 15 saacadood. Dhinaca Maraykanka iyo Kanada waxa ay muslimiintu soomayaan 16 saacadood illaa 19 saacadood marka loo eego saacadaha gudahooda ay kala horeeyaan.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here