Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 27aad

0
516

Sakaatul-fidriga (2) Salaadda ciidda ka hor in aad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo bannaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga.

 

Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sida oo kale lab iyo dhaddig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid.

 

Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sida oo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, balse waxa la doonaya in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda ba.

 

Axkaamta iyo eedaabta ciidda

Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo inu soo gutay waxqabadyadii la faray. Waxa mudan inaynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray.

Ugu horrayn waa in aynnu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxana ka mid ah:-

  • Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah.
  • Waa laba rakcadood.
  • Rakcadda hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku
  • Rakcadda labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo tuusaya (khilaafna waa ku jira).
  • Khadbadu salaadda way ka dambaynaysa.
  • Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here