Maanta ayuu muuqdaa ifafaalihii dhammaadkii xukuumadda muuse,

0
550

Billowgii xukuumadda muuse nin odaya oo aannu sxb nahay ayaanu sheekaysanay waanna markii dagaalkii Ceel-afwayn uu dib u bilowday iyo kii Saax-dheer, waxa uu ninkaasi igu yidhi sacadow xukuumaddaa muuse meelkale laga ridi maayo ee gobolkaa Sanaag , ayey ku foos burburidoonta.

Maanta ayuu muuqdaa ifafaalihii dhammaadkii xukuumadda muuse, labadii sarkaal ee ciidanka qaranka bariga Sanaag ugu sarreeyay way ka goosteen ciidankii qaranka, iyaga oo diiday weerar ay shegeen in taliye Nuux Taani yidhi ku qaada gobolka Badhan, sida ay qortay warbaahintu, isla maanta waxaa iscasilay Badhasaabkii gobolka Badhan oo sheegay in gobolka horumar balaadhan ka socdo Siyaasadna lagu tartamaayo, lakin xukuumadda Somaliland ay waddo xabad iyo dagaal, badhana aanay noqonayn farran.

Dhinaca kale muuse isaggu warkaaba mahayo shalay wuxuu eryay labba taliye oo Somalilandta kale ah, wuxuuna magacaabay laba reer gabilay ah, taliye ku xigeenkii madaxtooyada iyo hogaankii xidhiidhka police Somaliland.

Madaxwayne dadku caddaalad baa isku hayn karta ee dulmigu iskuma hayn karo, Badhana horumar bay rabtaa ee xabad ma rabto

Madaxwayne dadku caddaalad baa isku hayn karta ee dulmigu iskuma hayn karo, Badhana horumar bay rabtaa ee xabad ma rabto .

Siicid Xasan

Sawirka Sa'ad Hassan.
Sawirka Sa'ad Hassan.
Sawirka Sa'ad Hassan.
Sawirka Sa'ad Hassan.
Sawirka Sa'ad Hassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here