” Alifka Kaa Xumaadaa , Al Buqruu Ku Qabtaa ” . Ahmed Nour Guruje

0
461

Doorashadii dhacday 2017 waxay ku bilaabantay jawi qurux badan oo caafimaad qaba , taasoo si xiiso iyo xamaasadle u socotay ilaa heer danbe oo ay leexatay .

 

Hanaankii doorashadaasi u socotay hadii la barbar dhigo ciyaaraha ku bada cagtana waxaa la odhan karaa , ciyaartaasi waxay ahayd mid u socota habka loo xamaasadda badan ee loo yaqaano isu taabashadda ( one touch ) habkaas oo ah weerar iyo weerar celis aan nasasho lahayn .

 

Hadaba Xisbiga Kulmiye oo haystay fursado badan oo aanu haysanin Xisbigga Waddani oo mucaarid ahaa sidda taageeradda xukuumadda ayaa hadana ka shekiyey in uu ku guulaysan karo si xarago ah , waxaanu si kakan uga ololeeyay goboladda Bariga , halkaasoo la saaray sameecado aan heesaha ka baxayaa wanaagsanayn .

iyaar yahanadii ka faltamay Goboladda Barigana waxaa ka mid ahaa Boqor Buurmadow , kaasoo ereyadii afkiisa kasoo baxayay ee aan wanaagsanayn Xisbigga Kulmiye iyo taageerayaashiisu u buunbuuniyeen si wayn uguna beer raqeen .

 

Hadaba ninba geedka uu beertu ayuu midhihiisa goostaaye , kulmiye codkii uu ku heley habkaa kakan , waxaa uga danbeeyey midho kakan oo ka daba yimi , maxaa yeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa alifkii kaa xumadaa albaqra ayuu ku qabtaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here