Ujeedada Kulamo Uu Madaxweynaha Maxkamada Dambiyada Ee ICC La Qaadanayo Hogaamiyeyaasha Afrika.

0
21

Ujeedada Kulamo Uu Madaxweynaha Maxkamada Dambiyada Ee ICC La Qaadanayo Hogaamiyeyaasha Afrika.

-Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Workd Zewde ayaa kulan la qaadatay madaxweynaha maxkamada dambiyada aduunka ee Chile Eboe-Osuji oo maanta soo gaadhay magaalada Addis Ababa

 

Kulankan ayaa qayb ka ah wada hadal uu madaxweynaha maxkamada dambiyada aduunku doonayo inuu la yeeshay hogaamiyeyaasha Afrika si ay isfaham uga gaadhaan hawlaha loo igmaday maxkamada ICC, shaqada ay qabatan iyo qiimaha ay ugu fadhido wadamada Afrika

 

Madaxweynaha maxkamada ICC ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha maxkamada sare ee Itoobiya Meaza Ashenafi kuwaas oo iswaydaarsaday fikrado la xidhiidha muhiimadu uu leeyahay isku xukunka sharcigu iyo sidii ay garsoor cadaalad ah u heli lahaayeen dambiilayaasha caalamiga ahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here