Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Sidee Ayey U Aragtaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco?

0
362
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Sidee Ayey U Aragtaa Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco?

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay aragtida ay ka qabto shirka uu ku dhawaaqay boqor Buurmadow ee ay yeelanayaan beelaha bariga iyo galbeedka burco.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in xukuumada somaliland aanay sas ka qabin shirkan balse ujeedada shirka loo qabanayaa ay tahay waajibaadkii xukuumadu u xil saarnayd.

 

Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Runtii waxaan arkayey iyada oo la leeyahay shirkaas waxa lagaga hadlayaa horumar, dadkuna waxay cashuurta u bixiyaan si horumar loogu sameeyo, anagu waxaanu ku jeednaa oo sanadkii hore 2018 u malayn maayo shaqada la qabtay in somaliland laga qabtay inkasta oo aanan faanayn, wixii horumar ahna qaranka dawlada ayaa u xilsaaran balse reer uma xilsaarn taas ayaanan durayaa balse dadku way shiri karaan.”ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Abokor oo u waramay HCTV.

Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa intaas raaciyey “bulshada 4% ayaa saxaafada taagan oo hadlaysa laakiin umada inta kale way aamusan tahay waana dadka u baahan in adeega dawladu gaadho, dadka beelaha horboodaana waa 4% lagamana yaabo in suldaanka iyo caaqilku ka shaqeeyo nolosha bulshada, caafimaadka, waxbarashada iyo wadada waxaana u xilsaaran dawlada, aniguna ma garan karo goorta uu suldaanku ama caaqilku uu noqday nin horumarka ka shaqaynaya.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dareenka xukuumadu ka qabto shirkan waxaanu yidhi “Shirkan xukuumadu kama sasna balse hal qodob ayaa meesha yaala, horumarka gobolka ayaanu ka shiraynaa ayaa la yidhi balse horumarka yaa u xilsaaran ma caaqil, ma suldaan mise sheekh, dawladana waxa loo doortay inay horumarka iyo arimaha bulshada ka shaqayso, dadkuna si caadi ah way u shiri karaan balse laakiin duruufta taagani waxa weeyaan horumar dal yaa ka shiri kara, cida ka shiri kartaa waa dawlada ay dadku doorteen, markaa anigu wax dhib ah uma arko in shirkaas oo kale ay beeluhu qabsan karaan laakiin duruufta maanta taagan cid horumar ka shaqaynaysa.”

Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa shirkan ku tilmaamay mid siyaasadaysan waxaanu mar kale yidhi “Anigu shirkan uma arko shir beeleed balse waa shir siyaasadeed, beesha iyo siyaasadana in lays huwiyo maaha dawladuna wax sas ah oo ay ka qabto ma jirto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here