Siyaasi Sameeyay Arrin Lama Filaan Ah Oo Lagu Wada Maadeystay

0
640

Siyaasi Sameeyay Arrin Lama Filaan Ah Oo Lagu Wada Maadeystay

Siyaasi caan oo reer Pakistan oo tabin toos ah ku jira ayaa si khalad ah muuqaalkiisa loo saaray calaamado dhagaha iyo sanka bisadda u eg.

Siyaasiga oo lagu magacaabo Shaukat Yousafzai ayaa Jimcihii warfidiyeennada kula hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay, intii hawada uu ku jirayna sawirkiisi uu beddelmay, sida ka muuqata sawirka kore.

Qaar ka mid ah dadka Facebook kala socday shirka jaraa’id ee uu siyaasiga ku qabtay ayaa arrinta kediska ahayd ka dhiibtay aragtidooda oo ay ku qoreen dhanka fariimaha inkasta oo Mr Yousafzi oo xog ogaal u ahayn waxa dhacay.

Marka uu shirka jaraa’id uu u soo dhammaaday kaddib wuxuu Mr Yousafzai uu sheegay arrinta iney si khalad u dhacday balse uu isagu wax weyn u arkin.

 

Mr Yousafzai ayaa khudbaddiisa iska sii watay. Daawadayaashana waxay arkayeen madixiisa oo sawir laba dhagood ah ka saaran yahay iyo sanka oo laga saaray mid u eg kan bisadda iyo shaarbo, illaa uu hadalka ka dhameeyo ayayna sidaa ahayd.

“Aniga oo keli ah ma ahan dadka si lama filaan ah muuqaalka bisadda loo saaray iyaga oo tabin toos ah ku jira balse mas’uuliyiinti shirka jaraa’id igu wehliyeyna dhacdadaasi wey la kulmeen,” ayuu yiri.

Sawirka siyaasiga ee la beddelay

Muuqaalka mas’uuliyiintaasi ayaa si toos ah uga baxayey bogga rasmiga ee xisbiga PTI uu Facebook ku leeyahay, muuqaalkanna marka uu dhammaday shirka jaraa’id isla-markiiba waa laga saaray barta.

“Waxa dhacayna khalad bani aadam ayuu ahaa, hadda kaddibna khaladaadka noocaasi ah si ay u dhicin waan taxaddareynaa,” ayuu yiri.

.

Muuqalka khaldan ee Facebook ka baxay waxaa lagu sii baahiyey baraha bulshada ee kala duwan, iyada oo meelaha qaar dacaayado laga baahiyey siyaasiyiinta uu sawirkooda is bedelay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here