SOMALILAND UMA BAAHNA MUCAARADAD KURSIGA GAADH MOOYAANE AAN QORSHE DHAAFSAN LAHAYN IYO MUXAAFADAD GUULWADAYN UUN LA SOO TAAGAN !!!

0
517

Waxa aynu in badan u soo joognay hanaanka siyaasedeed ee somaliland iyo sida uu marba ahaa , waxa aynu cabiri karnaa in wax inoo kordheen qaran ahaan sida la isku doorto , la isku mucaarido iyo in wax inaga sii dhacayaan oo aynaan hayn jidkii saxda ahaa ee aynu rabnay .

 

Habdhaqanka siyaasadeed ee Jamhuuriyada somaliland waxa uu u muuqdaa mid aan korayn oo aan samaynayn horumar la taaban karo oo mustaqbal wanaagsan oo umadeed laga filan karo , waayo ?

Sababtu waxa ay tahay ma jirto qorshe siyaasadeed xisbi qaran leeyahay oo rasmi uga turjumaya rabitaanka umada kuna fadhiya xaqiiqooyinka dalka yaalla ee u baahan in laga gudbo oo hore loo socdo si aynu u hiigsano dalalka iyo dawladaha hore u maray aduunka .

 

Waxa laga yaabaa in aad is weydiinayso saw kuwa axsaabta siyaasadu barnaamijyo xisbi iyo balanqaadyo umada u soo bandhiga , waa run oo waxa ay axsaabtu siyaasadu soo bandhigtaa barnaamijyo qurux badan oo lagu doortaa , laakiin wali akhriste ma isweydiisay bal in barnaamijyadaa iyo habdhaqanka loo shaqeeyo marka kursiga la tago in ay is waafaqsan yihiin ama laga dhabeeyo waxii umada loo sheegayay iyo waxii loo qorayba ! ?.

 

Waa mid lagu kala aragti duwanaan karo haseyeeshee aan u arko marka hore in axsaabteenu inala wadaagaan oo inoo soo bandhigaan waxkasta oo ay is leeyihiin kursiga ku gaadha iyo balanqaad kasta oo ay samayn karaan oo aan qorshe wadan iyo qaabka loo qabanayo goorta la qabanayo iyo halka laga fulinayoba ee ay tahay uun wax sheeg aad talada ku gaadho .

 

Waxa tusaale wanaagsan aan kuu siinayaa marka aad daawato madaxweynaha somaliland oo meesha uu tagaba wax iska balan qaadaya ama meel iska dhagax dhigaya aan qorshihii xisbiga ku jirin , miisaaniyada qaranaka ku jirin wasaaradii hawshaa qaabilsanayd aanay ogeyn oo gole ka fuul ah , taasi waxa ay la macno tahay in aan waxa kaambaynka lagu galo ee afkana laga sheego , buugna wax kooban la inoogu qoraa aan lagu socon , isla markaana miisaaniyada qaranku aanay lahayn qorshe si cilmiya loo dejiyey oo baahida umada ka turjumaya.

 

Marka aynu intaa is la fahamno ayaa waxa aynu garan karaynaa ama cabiri karaynaa horta dawlada somaliland maxaa u qabsoomay xaga nidaamka iyo maamulka tobaneeyo ama labaataneeyadii sano ee ugu dambeeyay, sida oo kale maxaa u qabsoomay xaga dimuqaradiyada iyo doorashooyinka , maxaa u qabsoomay xaga horumarka iyo horumarka bulshada , halkee aynu taaganahay bal !!!

 

Haddaba somaliland waxa ay u baahan tahay mucaaradad dhaafsiisan kursiga uun gaadh , muran ku jiqsii iyo in la is jiid-jiito oo umada lagu mashquuliyo wax aan dani ugu jirin , waxa aynu u baahanahay mucaaradad qorshe leh oo la xisaabtan dawlaadeed leh oo ka hadasha danta umada , oo waliba maalinta kursiga la helona buuxisa gol daloolo waxii ay arkaysay markii ay dibada joogeen , ka taxadiraysa wadada kursiga loo marayaa in aanay noqon mid hogaamintaada caqabad hadhowto ku noqota .

 

Qolyaha muxaafidka isku sheegana waxa la gudboon in ay xukuumadii ay umada u keeneen miisaanka saaraan oo bal hubiyaan in ay dan umadeed iyo qorshihii xisbiga lahaa ku taagan tahay ee aanay ka shaqeyn uun rabtitaanka madaxweynaha iyo jacaylkiisa ee ay runta u sheegi karaan oo ku diidi karaan waxii aan anfacayn xisbigooga iyo umada reer soamalialnd .

 

Gebagabada qoraalkaygu waxa ay tahay in xisbiga doonaya in ay hogaaminta qaranaka gacanta ku dhigaan uu noqdo mid ku kasbada dadka qorshe dhab ah iyo barnaamij la lafaguray oo qaranka lagu hogaamiyo , waana in uu ka digtoonaadaa in uu kursiga u soo maro wado caqabad ku noqon karta hogaamintiisa si aan umada wakhtigu ugaga lumin wax aan danteeda ahayn.

 

Qolada muxaafikda ah ee kursiga joogtana waxa aan kula talinayaa in ay umada uga tagaan raad wanaagsan iyo waxqabad lagu xasuusto oo mudadaa ay joogaan noqoto mid hore u socod leh , hogaamintooduna aanay noqon qorshe laab la kac ah oo aan qawl dhaafsanayn ee waa in ay noqotaa mid run iyo xaqiiqo ku fadhida oo dal iyo dad ba la dareemo , isla markaana iyadu is xisaabisa hadii aanay jrin xataa cid la xiisaabtamaysaa .

 

Gunaanadka qoraalkaygu waa in dadka reer somaliland danta guud iyo qaranimada meel uga soo wada jeedaan , kana digtoonaadaan in shaqsi iyo shaqsiyaad dano leh ay ku ciyaaraan mustaqbalkooda , waana in ay ilaashadaan nabad galyadooda , dawladooda kula shaqeeyaan oo ku adeecaan waxii wanaagsan ee ay u wado , waxii qalad ah ee ay arkaana iska diidaan oo ay sida ugu wanaagsan ee qaladkaa lagu joojin karo yeelaan.

 

Somaliland way guulaysanaysaa qofkastana xumaan iyo wanaag waxa uu taray taariikhda ayuun baa xusi doonta .

 

Muhamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here