Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Taliyihii Guud Ee Ciidanka Militariga Iyo Taliyeyaal Kale Oo Mihiim + Deegaamada Ay Kasoo Kala Jeedaan.

0
423

 

Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa u magacaabay taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida ee Itoobiya Gen Adem Mohamed.

Taliyahan la magaacaabay ayaa wuxuu horay u ahaa Taliyaha sirdoonka Itoobiya oo uu horay usii ahaa Getachew Asefe.

waxaa dhanka kale loo magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya nin lagu magacaabo Demelash Gebremicha.

Sidoo kale waxa uu Ciidanka Dhulka Ethoipia u magacaabay Generall Mola-Haylamarem uu isna kasoo jeedo (Tigree).

Afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay wadanka Todobaadki hore ayaa wuxuu saamayn balaadhan ku yeeshay geedi socodka Dawlada Abiye Ahmed.

Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida Aadam Maxmed Waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka (Axmaaro), Sidoo kale Taliyaha Sirdoonka Ethoipia Generrall
Dhambelesh Mokonon isna waxa uu kasoo jeedaa deegaanka (Oromada), halka uu Taliyaha Ciidanka Dhulka Ethoipia Generall Mola-Haylamarem uu isna kasoo jeedo (Tigree).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here