Trump Iyo Kim Oo Ku Kulmay Soohdinta Hubka Ka Caaggan Ee U Dhexaysa Labada Kuuriya

0
435

Trump Iyo Kim Oo Ku Kulmay Soohdinta Hubka Ka Caaggan Ee U Dhexaysa Labada Kuuriya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa iminka ku kulmay soohdinta sida wayn uga caaggan hubka ee u dhexaysa Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed halkaas oo ay si diirran isugu gacan qaadeen.

Kulankan aan horay loo sii qorshayn ee ka dhacaya soohdinta hubka ka caaggan ayaa imaanaya kaddib markii Mr Trump uu bartiisa twitter-ka ku sheegay in uu halkaas ku marti qaaday Mr Kim.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in “is gacan qaad kaasi” uu “nabad” horseedi doono.

 

Kulankan la filayo ayaa kor u qaadaya rajada laga qabo in labada dhinac ay heshiis ka gaaraan hubka nuclear-ka.

Kulankan ayaa noqonaya kii saddexaad ee sanad gudihiis dhex maraya Mr Trump iyo Mr Kim, kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan oo bishii February ka dhacay dalka Vietnam ayaa fashil ku dhammaaday.

Mar ay ka falcelinaysay dalabkii Trump ee Sabtidii, ayaa Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in dalabkaasi yahay mid “aad u xiiso badan”.

Booqashada ayaa waxaa Mr Trump ku weheliya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in. kulanka Trump iyo Kim ayaa la filayaa in uu ka dhaco soohdintaas hubka ka caaggan, halkaas oo lagu qabto dhammaan wadaxaajoodyada u dhexeeya Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here