Dawlad Shaqaalaysiisay Rag Dadka U Daldala

0
475

Dawlad Shaqaalaysiisay Rag Dadka U Daldala

 

 

Xukuumadda Sri Lanka ayaa shaqaalaysiisay labo nin oo dadka daldala ayadoo u diyaar garoobaysa 43 sano kaddib in ay afar qof khaarijiso.

Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo madaxweynuhu uu ku dawaaqay in la khaarajiyo afar maxbuus oo lagu helay dambi dhanka daroogada ah.

Xukun dil ah lagama fulin dalka Sri Lanka tan io sannadkii 1976-dii.

Dad ka badan 100 qof ayaa codsaday shaqadan oo la soo xayaysiiyay bishii February kuwaas oo shuruudaha looga baahan yahay ay ka mid ahayd in ay yihiin “dad xooggan oo dhaqan wanaagsan”.

Waxaa kale oo shuruudaha ka mid ahaa in dadkaasi ay u dhasheen dalka Sri Lanka, rag yihiin, una dhexeeyaan da’da 18 ilaa 45 jir oo ay caafimaad qabaan “maskax ahaan”.

 

Warbaahinta dawladda ee Daily News ayaa sheegtay in laba qof oo Maraykanka u dhashay iyo labo haween ah ay ka mid ahaayeen dadkii shaqadaas soo codsaday.

Afhayeen u hadlay xabsiyada ayaa sheegay in labadii qof ee shaqadan ku guulaystay looga baahan yahay in ay galaan tababar qaadanaya labo toddobaad.

Ninkii ugu dambeeyey ee dadka daldali jiray ayaa shaqada ka tagay shan sano ka hor kaddib markii uu u adkaysan waayey dhibaatada ay shaqadaasi leedahay.

Nin kale ayaana sannadkii horay loo qoray shaqadaas balse kama aanu soo bixin.

Dalka Sri Lanka qofkii gala dambiyada ay ka mid yihiin, Kufsiga, ka ganacsiga daroogada iyo dilka bareerka ah ayaa xukunkiisu waxa uu yahay dil toogasho ah balse ma aanay dhicin arrintaasi tan iyo sannadkii 1976-dii.

Madaxweyne Maithripala Sirisena ayaa sheegay in xukunka dilka ah loo soo rogay sababo la xiriira in wax laga qabto ka gancsiga daroogada ee dalka Sri Lanka.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in tallaabadani ay sano u qaadayso shacbiyaddiisa taas oo horseedi karta in uu ku guulaysto doorashada dhaqaysa sannadkan dabayaaqadiisa.

“Waxaan saxiixay dikreeto lagu deldelayo afar qof” ayuu yidhi madaxweyne Sirisena.

“Wali dadkaas looma sheegi xukunka. Mana doonayno in aan ku dhawaaqno magacyada waayo arrintaas waxay xasilooni darro ka abuuri kartaa xabsiyada”.

Waxa uu sheegay in ay jiraan 200,000 oo qof oo daroogada qabatimay, 60% dadka xabsiyada u jiraanna ay yihiin dad loo haysto dambiyo daroogo la xidhiidha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here