Ragga Loo Haysto Kiiskii Caasho ILyaas Oo Mar Kale Xukun Dil Ah Lagu Riday

0
551

Ragga Loo Haysto Kiiskii Caasho ILyaas Oo Mar Kale Xukun Dil Ah Lagu Riday

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday saddex nin oo ku eedaysan kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd inan yar oo lagu kufsaday laguna dilay magalada Galkacyo.

Maxkamadda racfaanka ayaa ku raacday go’aankii ay horay maxkamadda darada koowaad ee gobolka Nugaal ay 12-kii March ugu ridday saddexdan eedaysane.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Qareenka u doodaya eedaysaneyaasha ayaa rafcaan u qaatay maxkamadda sare oo ayado go’aanka kama dambaysta ah ka gaari doonta kiiskan.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafaddooda.

Kufsiga loo geystay gabadhan yar ma ahan kii ugu horreeyay ee ka dhaca deegaanadaas oo waxaa ka horreeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, iyo Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee waxaan la ogeen sababta ku qaadi karta dadka ka dambeeya falkan foosha xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here