Afhayeenka Aqalka Cad iyo ilaalada Kim John-un oo foodda is Daray

0
403

Afhayeenka Aqalka Cad iyo ilaalada Kim John-un oo foodda is Daray

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa kaameero ka soo muuqatay iyadoo ay foodda is darayaan ilaalada Kim John-un si ay uga sii dayso saxafiyiinta Maraykanka oo loo diiday in ay galaan qol ay ku shirayeen madaxweyne Donald Trump iyo Kim John-un.

Stephanie Grisham ayaa la arkay iyadoo la hardamaysa rag ka tirsan ilaalada hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxaana la maqli karaa codkeeda iyadoo leh “caawimaad ayaan u baahanahay”.

Arrintaas ayaa ka dhacday bannaanka qol ay fadhiyeen kuna Shireen madaxweyne Donald Trump iyo Kim Jong-Un

Koox sawir qaade yaal ah iyo wariyeyaal khaas ah ayaa marar kala duwan ruqsad loo siiyaa in ay aad ugu dhawaadaan madaxweynaha Maraykanka si ay uga warramaan hawlihiisa, saxafiyiintaas ayaana wada shaqayn ka hela kaaliyeyaasha madaxqeynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here