Shan Marxaladood Oo Uu Soo Maray Calanka Soomaaliya

0
556

Maanta oo ah 1-da bisha Luuliyo waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay xornimada Soomaaliya, maalintaas oo ku astaysay maalintii is raaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo sidoo kale maalintii koonfurta ay Talyaaniga xoriyadda ka qaadatay.

Abwaan Cabdi Dhoof oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed, kuna xeeldheer taariikhaha xoriyadda Soomaaliya ayaa BBC Somali uga waramay shan marxaladood oo xasaasi ah oo uu soo maray calanka Soomaaliya.

“Calanka waxaa naqshadiisa la keenay 1952-dii, 12-kii Oktoobar, labadii sanno ee xigtay dood baa ka jirtay Qaramada Midoobay tiilay, balse 1954-tii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay Qaramada Midoobay waana la ogolaaday, isla sannadkaas 12-kii oktoobar ayaa la arkay isaga oo suran Fiisho Gufeerno, oo u dhaxeeya calankii Qaramada Midoobay iyo kii Talyaaniga, balse ka gaaban, 1956-dii markii dowladdii Cabdullaahi Ciise la dhisay waxaa lala simay kii Talyaaniga iyo kii Qaramada Midoobay, 1960-kii, 26-kii June waxaa la surey beerta xoriyadda Hargeysa, isaga oo kaligiis ah, waana marka la yiri kana siib kana saar, ugu dambeyntiina 1960-kii , 1dii luuliyo isaga oo kaligiis ah ayaa Xamar laga surey” ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhoof.

Abwaanka ayaa sidoo kale ka sheekeeyay dhacdo ku qabsatay magaalada Kismaayo sannadkii 1996-dii, taas oo ahayd in ay waayeen calan ay suraan mar ay u dabaaldagayeen munaasabadda koowda Luuliyo, balse ay ka heleen haweenay sanduuqa uu ugu jiray illaa 1962-dii oo kaydsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here