Maxay Isku Hayaan Turkiga Iyo Jeneraal Khalifa Xaftar-ka Liibiya?

0
400

Maxay Isku Hayaan Turkiga Iyo Jeneraal Khalifa Xaftar-ka Liibiya?

Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in si degdeg ah lagu sii daayo lix qof oo muwaadiniinteeda ah, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo taabacsan dagaal oogaha Liibiya, Jeneraal Khalifa Xaftar.

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in xariga muwaadiniinteeda uu yahay “burcadnimo.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in haddii la sii deyn waayo la-haystayaashaasi, ay bartilmaameed milateri oo sharci ah u noqonayaan xooggaga uu hogaamiyo janankaasi.

 

Xooggaga Xaftar ayaa Jimcihii shaaciyay inay beegsan doonaan maraakiibta Turkiga ee mara biyaha Liibiya iyo ganacsiyada ay muwaadiniinta dalkaasi ku leeyihiin Liibiya.

Sidoo kale waxa ay sheegteen inay burburiyeen diyaarad bilaa duuliye ah oo Turkiga lahaa, taasoo taalay garoon ku yaal caasimada Tripoli.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid aargoosi u ah hubka ay xukuumadda Ankara siiso dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee Liibiya, fadhigeeduna yahay caasimadda Tripoli.

Jeneraalka oo taagero ka haysta Imaaraadka iyo Masar ayaa intii muddo ah isku dayay inuu qabsado caasimadda.

Maalmo ka horna, xoogaggiisa ayaa waxaa soo gaaray jab weyn, kadib markii laga saaray magaalo u dhaw caasimadda.

Dalka Liibiya ayaa qalalaaso iyo colaad sokeeye ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray, isla markaana la dilay hogaamiyihii muddada dheer haystay ee Mucammar Qaddaafi sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here