Hadalhaynta Saamiga Kuraasta Golaha Wakiilada oo Meel Adag Laga Taagan Yahey iyo Cashuuraha Albaabada Lala Baxayo

0
396

Hadalhaynta Saamiga Kuraasta Golaha Wakiilada oo Meel Adag Laga Taagan Yahey iyo Cashuuraha Albaabada Lala Baxayo.

Hadalhaynta Saamiga Kuraasta Golaha Wakiilada oo Meel Adag Laga Taagan Yahey iyo Cashuuraha Albaabada Lala Baxayo Hadalhaynta Arimaha Siyaasadda iyo Marxalada Somaliland xiligan ku Sugan Tahey ayaa siweyn

looga Dareemayaa guud ahaanba Goobaha ay Bulshadu ku kulanto Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal, iyadoo Shacabku aad u falanqeeynayaan Laba Qoddob oo Sigaar ah ugu Mudan Wakhti Xaadirkan kuwaas oo Faaladoodu Saamayn ku yeelatey Qeybaha kala duwan ee Bulshada islamarkaana, ugu Xudun Xidhan Rajada kama dambeysta ah ee Bulshada Awdal ka Qabto Xukuumadan uu Gadhwadeenka ka Yahey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ay Fikardo dheeraad ah hore uga qabeen

 

 

Arimaha Saldhiga koowaad u ah Qoddobada Xiligan Reer Awdal Saamaynta badan ku Yeeshay, hadalhayntooda iyo Fajaca ay ku Waajahayaan Xukuumada oo Saamiga Kuraasta Golaha Wakiiladu ugu horeeyo, Waxa ay ku Doodayaan inaan Saamigaasi aheyn mid Reer Awdal u Cuntamaya Sababtoo ah marka dooda qodobkaasi nuxur ahaan La is dultaago, Saamiga xiligan oo ah 13 kursi Waxa laga gudbey Cahdigii Reer Awdal qaateen oo hada laga joogo 27 Sano iyadoo inankii Wakhtigaa dhashey uu kamid yahey Wakhti xaadirkan Dadka damacu kaga jirro Tartanka Doorashada Baarlamaanka, sidaa daraadeedna aaney Marnaba aqbaleyn in hadiiba Doorashadaasi timaado inaan Saamigani Shacabka Reer Awdal u cuntameyn iyadoo geesta kalena ay muuqato inaan Rajo badan oo talaabadan lagu Xalinyo in aaney kasoo muuqan dhinacaXukuumada.

 

Sikasta oo ay Tahey, Waxa Qodobkaasi u Wehelinaya hadalhaynta Bulshada Reer Boorame laba qodob oo kale oo iyaguna Cashuuro laga Gurayo guud ahaanba Magaalada oo ah Cashuur Sanadeedka D/hoose kuwaas oo Albaabada lagaga furayo Meheradaha Ganacsiga iyo Guryaha Dadweynuhu kujiro, Waxaanay amuurtan sigaar ah farta loogu fiiqayo Maayarka Xiligan ee Degmada oo mar labaad kusoo noqdey Xilka Hogaaminta Golaha Deegaanka islamarkaana jooga Wakhti lagu Qiimayn karo farqiga u Dhexeeya isaga iyo Maayarkii ay Xilka lakala Wareegeen oo isagu Waxqabad ku Suntan Xilkana Wareejiyay iyadoo aan lagu laheyn Wax dayn ah balse, Waagii uu katirsadey Xilka Maayarka Hada haya uu kala Wareegay lacag deyn ah oo fara badan, Sida dadweynaha hadalhayntooda keentayna ay Taasi sabab u tahey Maadaama aanu Wali Waxba isku Maydhin Maayar Saleebaan Xasan Xadi, ilaa iyo intii uu Soo noqdeyna Cashuur badan laga gurayo Dadweynaha.

 

Gabagabadii Marka qoddobkaa labaad laga Yimaado, Waxa indhawaale indhaha Shacabka Reer Boorame aad usoo jiitey, Sakatiga ka Muuqda Gudoomiyaha Gobolka oo isaguna Xaalad kujirey indhawaale islamarkaana, kordhistey Ciidamo ilaalo ah oo uu Dhawaan kasoo kaxaystey Dhinaca Caasimada Hargeysa arintan oo Dareen ahaan Shacabku si Fashilan oo Dawladnimada Somaliland nusqaan ku ah u arkeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here