Ururka ilaalinta Duur-joogta Sapo ,Oo Cambaareeyay Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Kacday Cabdi Cali Gadhle Oo Ah Khabiir U Ololeeya Duur-joogta Dalka .

0
372

Ururka ilaalinta Duur-joogta Sapo ,Oo Cambaareeyay Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Kacday Cabdi Cali Gadhle Oo Ah Khabiir U Ololeeya Duur-joogta Dalka .

Ururka ilaalinta Duur-joogta Sapo ,Oo Cambaareeyay Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Kacday Cabdi Cali Gadhle Oo Ah Khabiir U Ololeeya Duur-joogta Dalka .Cambaareyn ka dib ,Anigoo Ah Gudoomiyaha Ururka Sapo ,Waxaan Damiir Xumo Wadaniya u arkaa Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland kula kacday Mawaadin Cabdi Cali (Gadhle) oo ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,kaasi oo bulshadda Somaliland usoo bandhigay ,sidii loo joojin lahaa 8-Hareemo-cad oo Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka dhoofinayso ,kuwaasi oo dad shicib ah oo dalka ka dhoofinaayay laga qaaday isla markaana Jeelasha lagu guray ,Gaadiidkoodiina lagala wareegay.

 

Su’aasha meesha taalaana waxa weeye ,hadii Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka Dhoofinayso 8-Hareemocad oo ay Wasaaradu Qiratay,Maxaa loogu diidaayay Dadkii Mawaadiniinta ahaa ee dhoofinaayay ee Jeelasha lagu Guray. ?

 

Waxaanan leeyahay Xumuumadda Somaliland ,Cabdi Cali Gadhle ,waa Mawaadin Dhab ah waxaanu xaq u leeyahay in Abaal Marin la siiyo ,Mana Gayo Xadhig ,maadaama uu si iskaa wax u qabso ah Wasaaradda Deegaanka la’haa Xeerka Mam-nuucaya Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta Qoyan ee Somaliland ee baarlamaanku Ansixiyay 2016-kii halagu dhaqmo ,si loola dagaalamo Xaalufinta Deegaanka.

 

Waxaan Mar Labaad ugu baaqayaa laamaha ku shaqada leh Xadhiga Cabdi Cale Jaamac , in si Deg Deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo , Waxaan leeyahay yaan laysku qaldin arimaha Siyaasiga ah iyo arimahailaalinta Deegaanka ku Shaqada leh ,waayo maanta dalkeenu waxa uu u baahanyahay in wada jir looga hortago Xaalufinta Duur-joogta iyo Dhirta,maadaama Nolosha dadkeenu ay ku tiirsantahay Xoolaha nool .

 

Anagu Urur’ahaan Waxaananu garabtaaganahay Cabdi Cali Gadhle ,Mana Ogolin in 8-Hareemocad dalkooda laga dhoofiyo ,waayo hadii Xayawaankan la Dhoofiyo waxa furmaaya Dariiqii Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta.

Geesta kale Cabdi Cali (Gadhle) oo haysta dhalashada Dalka Maraykanka ayaa ah Khabiiru ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,iyo Deegaanka waxaanu ka soo shaqeeyay Goobaha ilaalinta Xayawaanka ee USA ,SOUTHAFRICA ,BOTSWANA,TANSANIAiyo dalal kale ,waxaanu 5-sano ee u danbeeyay ka shaqaynaayay DhawristaDuur-joogta Somaliland .

Waxaanu Imika ku xidhanyahay Xarunta CID Hargeysa ,waxaana lagu haystaa Maxaad noo sheegaysaa ,arintaasina waa xaq-daro.

 

 

Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta Ee Sapo.

Mahad Faarax Cabdilaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here