War degdeg ah:Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Ashkato Ay Somaliya U Gudbisay Kenya

0
363
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay jawaab adag kaga bixisay Dawladda Muqdisho oo shalay sheegtay inay ka xun tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ay dal madax-bannaan ku sheegtay Somaliland.War-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo ay baahisay shabekada caalamiga ee HornDiplomat , waxa lagu yidhi ” Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday Soomaaliya, taasi oo ay ku faro-gelinayso xidhiidhka Dawladaha Somaliland iyo Kenya, waxaanay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal xor ah oo xaq u leh inuu xidhiidh la yeesho dalalka caalamka.”

Warmurtiyeedkaasi waxa lagu sheegay in Somaliland ay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay ku naaloonaysay dawlad wanaag isla markaana ay ahayd dal madax-bannaan oo walaalnimo iyo iskaashi la wadaaga Wadammada jaarka la ah.

Waxa kaloo Xukuumadda Somaliland ay ku eedaysay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waxyeelo ku yihiin iskaashiga gobolleed ee dalalka Geeska Afrika ee u heellan inay wax wada qabsadaan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqday Soomaaliya inay wax ka qabato caqabadaha ka haysta dhinaca Horumarka, Nabadgelyada iyo Bini’aadanimada ee ka jirta gudaheeda, intii ay farogelin laheyd dalalka madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin Kenya iyo Somaliland.

Warkan oo Faahfaahsan Ka eeg Lingaxan Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here