“Somalia waxaynu nahay walaal. Haa, laakin walaaluhu waa laba nooc” Ex Wasiir Cali Mareexan

0
445

“Somalia waxaynu nahay walaal. Haa, laakin walaaluhu waa laba nooc” Ex Wasiir Cali Mareexan.

“Somalia waxaynu nahay walaal. Haa, laakin walaaluhu waa laba nooc” Ex Wasiir Cali Mareexan

Mid wuxuu kula jecel yahay in aad dhaqanto, dhaqato ubad, aqoon iyo aduun yeelato. Reer meel yaal oo reer hebel la yidhaahdo noqoto oo meel ka muuqda oo garab iyo gaashaan u ah. Midna wuxuu jecel yahay in aad xoolihiisa u raacdo oo isaga uun u adeegto xitaa hadii aanad weligaa guursan dan kaama laha.

Qoladaa Somali waa walaal aan wanageena jeclay.
Markay hadlayaan ee ay ku celcelinayaan walaalo ayeynu nahay, uurkooda iyo afkoodu isma laha. Waxaa caloosha kaga jira waxaa ku tusaya ficilkooda oo hadii la yidhaahdo dekedii berbera maraakiib badan ayaa ku soo xidhatay waxay ka fekerayaan sidii ay uga joojin lahaayeen iyagoo itaal u waaya maahee.
Kuwii lixdankii aynu u gaynay wax bini’aadam bixiyo wixii ugu waynaa ( calan iyo dawladanimo) ee inoogu abaal guday qaldaan maantana waxay leeyihiin yaa qaabili kara, yaa la baayac mushtarayn kara, yaa dalkooda booqan kara.
Hadii aad Somaliland isqancin kari waydaan ma kula tahay marba dawlad la eedeeyo in ay xumaan mooye wanaag somali u keenayso?
Wuxuu yidhi ra’iisal wasaare khayre mar uu ka hadlaayey xaflad 26 ka June” Walaaleheenii reer waqooyi ee soo SAFRAY ee calanka keenay waa mahadsan yihiin” Ma iyada oo Somali wixii kala qabsaday aynu ogayn ayuu lixdan sano ka dib calan loo keeno sugayaa? caruureey ba.
Malaa wixii aynu halgan galnay iyo dhismihii, tacabkii, qaran dhiskii 30ka sano waxay u haystaan inaynu ciyaaranaynay.
Dhalinyaradeena waxaan leeyahay hadalkii AHN abwaan tima cadde
“Marko aanad lahayn looma culo
maanka weligaaye
magaabada hashaadaa ka roon
maydhanaan kale”
Maxamed Nuur Fadalna wuxuu yidhi AHN
“Nin naftiisa biimo u gesha
iyo bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdo
iyo boqonta mooyane
gobonimo bilaash laguma helo
ban iska taal taal”
Waxaynu doonaynaa in inaga la inoo soo shaqo tago halkii ubadkeenu Xamar meehanaabi laahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here