Eng. Maxamed Xaashi Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Umadda U Soo Bandhigo Hantidiisa

0
353

Eng. Maxamed Xaashi Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Umadda U Soo Bandhigo Hantidiisa.

Eng. Maxamed Xaashi Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Umadda U Soo Bandhigo HantidiisaWasiirkii here ee maaliyada Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay inuu musuq baahan ka dhex jiro, waxaanu ugu baaqay madaxweynaha inuu hantidiisa uu dadka u soo bandhigo, isla markaasna uu la xisaabtamo wasiiradiisa oo uu ku tilmaamay inay guryo badan dhisanayaan, hantidhawka qarankuna uu noqdo mid dalka u shaqeeya. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhaliilay warshada sibidhka ee dhawaan la sheegay in la bixiyay iyo xukuumadaba, waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ” Waxa soo baxday in la yidhi warshadii laba qolo ayaa loo xidhay qolo 55% ayay bixinaysaa waana ajaanib, qolana waa Somaliland MSG Group mana garanaayo waxay u taagan yihiin oo iyaguna bixinaaya 45%, hadaynu lacag beelno oo aynaan haysan oo dadkeenu aanay keeni karayn in sidaas loo bixiyaa waxay noqon lahayd wax la qaadan karo, laakiin iyada oo ay dadkeenu keeni karaan oo ay lacagtaas bixin karaan 40 milyan oo doolar ayay ku kacaysaa, hadii 40 kun oo qof ay bixiyaan 2000 oo doolar waa lacag yar,waa lacag dadkeenu uu kari karo hadii magaalada loo galo oo gobalada loo qaybiyo oo waxii dadku wada lahaado waxayna noqon lahayd waxaan macaashkeeda helayno, shaqona ka helayno inaguna yeelanayno, in loo xidho dad waa wax aan loo baahnayn iyo khalkhal aynu ku jirno, ” Waxa uu ka hadlay musuqa xukuumada “Muuse Waxaanu leenay waxii aduun ah ee aad adigu leedahay cadee, waxaas oo aduun ah ayaan leeyahay oo halagula xisaabtamo waxii intaas wax qabsadayna, dhawr iyo toban guri ayaa rag qaarkii dhistay kuwii nooliga laga soo bixiyay ayaa maraaya inay daaro waaweyn dhistaan waa musuq maasuq dalka ku baahay odhadkiibaan jirin waa in laga daba tagaa dadkaas ileen waxba lamay soo galine, ninka dawlada ahi intuu gurigii dawlada dumiyo oo uu yidhaahdo waan dhisanayaa wax meesha qabta maaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here