Ciidankii Qaranka Somaliland Ee Deganaa Ceerigaabo Oo Gaadhay Goobta Dagaalka Iyo Xabadda Oo Wali Dhacaysa + Qaylo Dhaanta Yeedhaysa.

0
340

Ciidankii Qaranka Somaliland Ee Deganaa Ceerigaabo Oo Gaadhay Goobta Dagaalka Iyo Xabadda Oo Wali Dhacaysa + Qaylo Dhaanta Yeedhaysa.

Waxaa hadda gaadhay goobta dagaalku ka socdo Ciidamo Ka tirsan Kuwa Qaranka Somaliland kuwaasi oo isku dayaya inay kala dhex galaan Beelaha Walaalaha ee dagaalku ka dhex socdo.

Dhinaca kale muwaadin deegaankaasi kasoo jeedo oo qaylo dhaan qoraal ah kasoo diray goobta lagu dagaalamayo ayaa waxa uu yidhi “Weli Dagaalkii ceelafweyn Waa Soconayaa Jabahado Labada Beelood ah ayaa Hada hubka Noocyadiisa waaweyn Isku Ridaya, Sida La sheegayo Waxaa La ka qabsaday Tigniko Dhiwr ah, dhamashadu Waa xad Dhaaftay, Ilaa kii shalay waxay ku dhowdahay 20-ruux, Wixii ka Sareeya waloow Aanay Jirin Tiro Rasmi ah oo la ogyahay”.

“Xukuumada weli kuma guulaysan inay dagaalka joojiso,Dagaalku wuu soconayaa.Waloow ay Daqiiqado Kooban ka Hor ciidamo ka baxay Ceerigaabo gaadheen Goobta dagaalka”.

Xigasho: Barkhad Maxamed Geedi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here