Laba Wiil Oo Muqdisho Lagu Dilay Xalay Iyo Al-Shabab Oo Sheegtay Sababta Ay U Dishay

0
348

Muqdisho (QoryaaleNews) – Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal  ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, koox hubeysan ayaa xalay halkaasi ku dilay labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka.

Labada dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay, mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay.

 

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka labadan wiil ayaa sheegtay inay ahaayeen xubno ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Soomaaliya.

War lagu baahiyey idaacadda Andulus ee Al-Shabaab, ayaa kooxdan waxay magacyada labada wiil ku kala sheegtay Ismaaciil Bootaan Kheyre iyo Cabdi Jareer.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay labaduba ka tirsanaayeen Nabad sugidda qeybta dharcadda ee aan ku labisneed dharka ay caanka ku yihiin ciidamada dowladda, balse ma jirto cid xaqiijin karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here