Beesha Direed Oo Farmaajo Dacwad Ka Gudbisay

0
366

Muqdisho (QoryaaleNews) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay odayaal iyo waxgarad ka socda Beesha Direed kuwaas oo cabasho ka ah dilal ay Ciidamada dowladda Soomaaliya u geesteen dad Shacab ah oo beeshaasi ka tirsan.

Dilkii ugu dambeeyay ee loo geesto qof ka soo jeeda Beesha Direed ayaa waxa uu ahaa Allah ha u naxariistee wiil dhalinyaro ah oo maalmo ka hor Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dilay magaalada Muqdisho kadib markii ay biyo gaarsiisay Mooto Bajaaj uu wade ka ahaa.

Marxuumka la dilay ee Bajaajlaha ahaa ayaa la dhashay mid kamid ah Ilaalada Gaar-ka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo fududeeyay in Madaxweynaha ay la kulmaan dadka uu ka soo jeedo walaalkiis oo si bareer ah loo dilay.

“Mudane Madaxweyne tan iyo markii aad xilka qabatay Ciidamada Dowladda magaalada Muqdisho oo kaliya waxay nooga dileen 9 qof, midna cadaalad ma helin sababta ayaa u baahanahay” ayuu yiri mid kamid ah dhaqanka Beesha Direed oo kamid ahaa dadkii Madaxweynaha la kulmay, sida ay noo sheegeen xubno joogay kulanka

“Maanta waxaan kuugu nimid inaa helno dadkii ka dambeeyay dilka 9 qof oo beesha ah ama inaa annaga raadsano oo aad berri mas’uul ka noqotid wixii dhaco” ayuu lagu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday odayaashii Beesha Direed ee kulanka la qaatay in la siiyo muddo kooban si uu kulan ula qaato saraakiisha amaanka oo arintaan gacanta ku haaya.

Inta badan dilalka ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka fuliyaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa jirin wax tilaabo ah oo laga qaado waxaana jira walaac ay qabaan qaar kamid ah dadka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here