Puntland Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixisay Safarka Kheyre Ee Awoodda Ku Dhisnaa

0
342

Gaalkacyo (QoryaaleNews) –Dowladda Puntland ayaa ka hadashay socdaalkii shalay uu ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Xasan Cali Kheyre uu ku tagay qaybta waqooyi ee magaaladda Gaalkacyo isaga oo aan fasax ka qaadan maamulkaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka ayaa waxaa ka dhashay khilaaf iyo kala qeybsanaan Puntland dhexdeeda ah kadib markii madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo.

So kastaba, Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni.

Dhanka kale ciidamada PSF-ta Puntland ayaa ku gacan seyray amarka madaxweyne Deni ee ahaa inaan loo oggolaan in Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbo, taas oo dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka iyo ciidamada oo Ra’isul Wasaaraha soo dhoweeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad  oo shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo ayaa ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha inuu diiday hanaankii iyo maamuuskii ay ugu talageen.

“hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay. Haddii aanu aragnay wixii ilaahay maanta na tusay, waxaan maqli jiray cimrigaaga, maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiirku wuxuu raaligalin iyo cudur daar u diray isimadii iyo cuqaashii uu sheegay inay u diyaargarobeen soo dhaweynta ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Si kastaba, xafiiska Kheyre ayaa laga soo xigtay inaysan jirin hab maamuus uu dhinac maray ra’iisul wasaaraha balse waxa la isku hayo ay tahay in Kheyre uu buriyey diidmadii Deni ee  ahaa inuu Gaalkacyo booqdo isaga oo si hoose ula xiriiray saraakiil ciidan.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here