Warbaahinta Guinea: Somaliland Waxay Muunaysay Madaxweyne Alpha Conde iyo Calanka Guinea

0
32

 

Warbaahinta Guinea: Somaliland Waxay Muunaysay Madaxweyne Alpha Conde iyo Calanka GuineaWarbaahinta Jamhuuriyadda Guinea ayaa baahiyey sida shacbiga reer Somaliland u muuneeyeen isla markaana caasimadda Hargeysa ay u qabsadeen sawirrada MadaxweyneAlpha Condé iyo calanka dalkaasi. Kadib markii dawladda Guinea aymeeqaam iyo hab-maamuus aad u sarreeya ku soo dhaweysayMadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada ku tagay toddobaadkii horeMagaalada Conakry.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qorayWarsidaha Mediaguinee.org, oo faahfaahiyeysida shaaricyada Hargeysa loogu sharraxaysawirrada MadaxweynahaGuinea iyo calanka dalkaasi.

Shabakadda Mediaguinee.org waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Alpha Conde oo kaliya aanay muwaadiniinta reer Somaliland u mahadcelin, hase ahaatee ay bogaadiyeen shacbiga reer Guinea oo dhan.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii ayaa habmaamuuskii ugu sareeyey loogu qaabilay dalka Guinea, Waxaanaweftiga Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Guinea isku raaceen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo midDhaqaale, taasi oo sasiyo walaac ku abuurtay Xukuumadda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here