Xukuumada Somaliland Oo Aan Wali Ka Hadal Xaalada Deeganka Ceel Af-wayn Iyo Shirar Is Daba Jooga Oo 24 Saac Ee U Danbeeyay Ka Socday Madax-toyada Qaranka JSL.

0
400

 

Xukuumada Somaliland oo ee uu gadh wadeenka ka yahay madaxwayne muuse biixi cabdi oo aan wali ka hadal xaalada ceel af wayn iyo gobalka sanaag oo malimihii u danbeeyay ay ka socdeen dagaal beelodyoiyo weeraro ay ciidamada qaranka ee ku sugan gobalka sanaag kuso qaadeen maleeshiyaad beeledka uu hogaamiyo kornayl caare oo ahaa sarkaal hore uga goostay ciidamada qaranka Somaliland.

Wasaarada arimaha gudaha taliska ciimada qaranka Somaliland iyo maamulka gobalka sanaag iyo shir gudoonka barlamaanka Somaliland siyaasinta kaso jeeda gobalka sanaag iyo gaar ahaabn deeganka ceel afwayn oo an wali wax jawaab aha kaso saarin xaalada dagaal ee kaso socotay deeganka ceel afwayn ee gobalka sanaag iyo mudaharada rabshadaha watay ee malintii shalay ka dhacay magaaloyinka ceerigabo iyo Burco.

Hadaba,ilaa shalay madaxwayne Biixi waxa uu shirar kula jiray guddida nabad galyada qaranka iyo siyaasinta masuulinta xilalka haya ee kaso kala jeeda labada beelod ee uu xaalada dagaal ku dhex martay deegnka ceel afwayn ee gobalka sanaag inkastoo shirarkan aan wali wax jawaab ah kaso bixin hadana shacabka Somaliland oo dhag taagaya mawqifka xukuumada ee ay xaalada ka qaadato.

Arintan ayaa kuso beegmaysa xili uu madaxwaynaha Somaliland doonayey inuu soo saaro isku shaadhayn uu xilalka kaga qaadayo qaar kamida taliyaasha ciidamada qaranka Somaliland’ xubno kamida golaha wasiirada iyo qaar kamida badhasaabada gobalada agaasimayasha guud oo aan wali soo bixin shacabkuna u dhag taagayaan.

Wararkan Oo Faahfahsan Kala Soco Bartan Warbaahinta BurcoOnline 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here