Shirkadda Diyaaradaha Jarmalka Ee Lufthansa Oo Joojisay Duulimaadyadeedii Qaahira

0
426

 

Shirkadda diyaaradaha dalka Germany ee Lufthansa ayaa Axaddii shalay joojisay duulimaadyadii diyaaraddaasi ku tagaysay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar iyadoo talaabadaasi ku sababeeysay foojignaan xaga amaanka ah oo aanay wax faah faahin ah ka bixin.

Go’aanka ay shirkaddu ku hakisay duulimaadyadeedii dalka Masar ayaa saamayn xoogan ku yeeshay Rakaab aad u badan oo ay u qorshaysnayd inay diyaaradaasi raacaan, waxaanay durbadiiba ku mashquuleen helitaanka diyaarad kale oo ka qaada ,magaalooyinka Jarmalka una qaada Qaahira.

Geesta kalena Shirkadda diyaaradaha ee British Airways ayaa Sabtidii ina dhaaftay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegeen in ay hakisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Qaahira dalka Masar.

Go’aankan shirkadda ayaa sidoo kale lagu saleeyay walaac dhinaca amniga ah oo isa soo tarayay.

Dawladda Britain ayaa hore uga digtay socdaalka ay dadka british ka ahi ku tagaan magaalada Sharma-Sheikh ee dalxiiska loo tago dalka Masar, iyadoo sheegay inuu jiro walaac laga qabo falal amniga halis galin kara.

Ma jirto ilaa hada war faah faah san oo laga soo saaray shakiga dhinaca amniga ee ay shirkadaha ama dawladahaasi dareemeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here