Wargeyska The EastAfrican “Somaliland Waxay Rabtaa Aqoonsi Xataa Haddii aanay Muqdisho Aqlabayn”

0
399

Wargeyska The EastAfrican “Somaliland Waxay Rabtaa Aqoonsi Xataa Haddii aanay Muqdisho Aqlabayn”

Wargeyska Toddobaadlaha ah ee The EastAfrican oo mataanno la ah Warsidaha The Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ayaa maanta warbixin ka qoray dedaalka aqoonsi raadinta ee ay wado dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta Wargeyska The EastAfrican oo ciwaan looga dhigay”Somaliland waxay rabtaa aqoonsi xataa haddii aanay Muqdisho aqlabayn.”

Wargeysku wuxuu warbixintiisa ku bilaabay in caasimadda Hargeysa ay duqeeyeen diyaaradihii noocoodu ahaa MiG ee uu lahaa kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya oo xasuuqay dadkii ka soo horjeeday 31 sannadood ka hor. Waxaanu warsiduhu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa Millatarigii Soomaaliya uu xiligan hoggaaminayo dedaalka ictiraaf raadinta iyo madax-bannaanida Somaliland.

Wargeysku wuxuu intaas raaciyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ay toddobaadkan shaacisay inay sii wadayso halganka Somaliland ugu jirto aqoonsi-raadinta, haddii ay Soomaaliya jeclaysanayso iyo haddii kaleba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aanay cidna la-hayste u noqon doonin. “Dawladda Somaliland waxay ogolaatay inaanu xidhiidh ka yeelanno Soomaaliya oo aanu ka wada shaqeyno sidii aanu iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimaha Mandaqada, hase ahaatee cidna uma noqonayno la-hayste,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Wargeyska The EastAfrican wuxuu sheegay in Somaliland jawaab adag kala hortimid Guddidii uu wadahadalka u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay ku tilmaantay mid ay ku jiraan dambiileyaal dagaal oo aanay marna hor fadhiisan doonin.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka UK, Ayaan Maxamuud Cashuur ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku xadgudubtay qorshihii wadahadalka.

Ayaan Maxamuud waxay caddaysay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga ka qabsoomay ay burbureen laba sanno ka hor, markii Soomaaliya ay ergadii ka socotay ku soo dartay dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee UK waxa kaloo ay ku eedaysay Madaxweynaha dawladda itaalka daran ee Soomaaliya in Guddida uu magacaabay uga ujeeddo inuu afka uun ka maqashiiyo beesha caalamka.

Cumar Maxamed Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here