Wasiirka warfaafinta Mareeye oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xarunta Dawlada Hoose.

0
381

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhaweyd kula hadlay xarunta dowladda hoose ee Xamar warbaahinta isaga oo ay hareer taagan yihiin wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, taliyaha booliiska Soomaaliya iyo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maalliyadda ee gobolka Banadir, ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay qarixii galabta.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay qaraxa ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin guddoomiyeyaasha gegmooyinka iyo seddex agaasime, mana uusan magacaabin magacyada masuuliyiintaasi.

WasiirMaareeye waxa uu intaa ku daray in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo guddoomoyiyaha gobolka Banaadir uu ka mid yahay iyo guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.

Hay’adaha ammaanka ayuu sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan qaraxaasi, isla markaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here