Wax Ka Bedelka Xeerka G.Degmooyinka, Iyo Qodobada Is Burinaya Ee Waaxyaha Fulinta Iyo Sharci Dajinta.

0
424

Waxa dhawaan ay ay ansixiyeen Golaha barlamanka jsl, Wax ka bedel ay ku sameeyeen. xeerka Gobolada iyo degmooyinka ee loo yaqaano LOW. 23. kasi oo bulshada somaliland ee Degmooyinka ku dhaqani si weyn uga biyo diideen.

 

Hadaba dareenka diidmada ah ee bulshada somaliland ka sakow, Waxa jirta in  Wax ka badelka Xeerkan, ay ka muuqdaan, qodobo ay isku burinayaan Waaxyaja Dawlada, ee kala ah , Waaxda  sharci dajinta, iyo Waaxda Fulinta.

 

Labadan Waaxood oo runtii ah labada, Waaxood, ee uu khusayay Xeerkani, kuwas oo Midna soo diyaarinta wax ka bedelka ay ay lahayd midna ansixinta.

 

Ayaa si aan ka fiirsi lahayn isu burinaya markaad eegto qodobadan.

 

  1. Sida aynu ognahay Xeerkan LOW NO. 23, waxa  uu ku salaysanyahay asaaskiisi, 23  degmo  doorasho oo ka tirsan lixdii gobol ee hore, G. mjeex, g.togdher, g.Awdal , G. Sanaag. Gobolka sool, iyo G. Saaxil. degmo Doorasho,

Wakhtigii la sameeyay Xeerkan, May jirin ama lama magacaabin, 8 Gobol ee kale ee Somaliland, kuwaas oo kala ah, G. gabiley, g. salal, g. badhan, g. hawd, g. saraar, g.buhoodle, g. taleex, sidoo kale xeerkan kumay jirin Degmooyinka tiradoodu gaadhayso 60 degmo kuwaas oo ayaga la magacaabay , Xeekan ka dib.

 

Hadaba dhamaan Gobolada iyo Degmooyinkaas, oo dhamaantood, Waaxda fulintu magacawday, isla markaana Maamulada Goboladan iyo degmooyinkaniba ay shaqeeyan Madaxweynuhu  Digreeto Madaxweyne ku magacaabay, gabi ahaanba kuma jiraan Xeerkan kumana xusna.

 

Taasina waxay muujinaysaa, is burinta, labadan Waaxood, Waxana is khilaafaya, Digreetooyinka goboladan iyo degmooyinkan iyo Maamuladoodaba, ay ku magacwday Waaxda fulintu, iyo Xeerkan guud ahaan iyo gaar ahaanba qodobadiisa wax laga bedelay.

 

Waxa kale oo Xusid mudan In Wax ka badelka Xeerkan, ay ugu horaysay, in la waafajiyo, Tirada gobolada iyo degmooyinka Dalku ka kooban yahay.

 

taasi may dhicin. wana ta keenaysa is burinta labadan Waaxood.

 

  1. Qodobka labaad,  Xaga qiimaynta Degmoiyinka, Waxa iyana ka muuqda, in qaar ka mida  magaalo Madaxyadii ama Caasimadihii, Gobolada La magacaabay, Qaarkood, laga dhigay C. taasi oo ah siday horaba u ahaayeen.

hadii aan eegno qodobkaasi, Waxay ahayd in Dhamaan magaaloyinka Xarumaha Gobolada ah,  Darajooyinkooda kor loo qaado isla markana halka ugu hosaysa, ee la keena ay noqoto, B. sababtoo ah, dee isma qabanayso, Waa gobol iyo caasimadisi oo C ah lagana yaabo in ay la simantahay Degmoiyinka kale ee gobolka kuwas o an ahayn Xarunta Gobolka.

 

Halkaana waxa inoo muqanaysa in Qodobka Xarumaha Gobolada C qarkood, aan laga qaadin, Waxay ka hor imanaysa, Magaacaabista Gobolada, iyo maamuladooda.

 

Akhriste Waxa wax lala yaabo ah oo iyaguna ku gadaaman xeerkan.

 

  1. In xeerkan oo magaciisu yahay , ismaamulka gobolada iyo Degm

ay ka maqan yihiin ama ku Cadayn gobolada 8.ah, iyo degmooyinka 60  ka ee dalka jsl. taas macnaheedo sow maha ma jiraan.

 

  1. Waxa kale iyana ceebteeda leh, in aan gobol ku sheegno, meel caasimadeediba ay sidato Darajada C. tasina waxay mujinaysa in aanay u qalmin gobol, marka la eego kaalinta qiimaynta derajada, Dhaman  darajada Xarumaha gobolada dalku waxay ahayd in ay kala noqdaan kaliya laba darajo, A, and B. degmooyinkooduna C. and D.

 

3.Waxa kale oo iyana ceeb ah in Gobolo iyo degmooyinkaasi dhamaantood aanay lahayn Xeer kala xadaynaya, taasi oo ay ahayd, in ay ka horayso qiimaynta Darajada Degmooyinka gobolada.

 

Dhamaan Arrimahani  iyo kuwo kale oo badan oo ka muuqda Xeerkan Waxay ku tusayaan, isburinta Xeerkan ee Waaxyahan Dawlada, iyo in aanay marnaba Hay,adahani Si caqli iyo aqooni ku dhisantahay u darsin Xeerkan iyo Qodobada ay wax ka bedaleenba, balse ay kaliya iga gee un ku dhisnayd, hadafka ansixinta Xeeekan.

 

Ugu danbeyn Dadweynaha Waxan leeyahay, ( Maxay ka jaqi maxay se ku jaqi) Maxaydun ka caban ama diidi, Darajo, Xeerkan, Jiritaankii Gobolnimo iyo degmooyinba, ee ka horeeyay, iyo xadayntoodi midnaba Xeerkan ma dhigaye.

Wa bilaahi Tawfiiq.

Cali.Xasan Cawaale,

Hargeysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here