Guddiga Doorashada Oo La Saadaalinayo Inay Iclaamiyaan Inaanay Doorashada Wakiiladu Wakhtigeedii Ku Qabsoomayn

0
348

Guddiga Doorashada Oo La Saadaalinayo Inay Iclaamiyaan Inaanay Doorashada Wakiiladu Wakhtigeedii Ku Qabsoomayn

Guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa inay bisha august ku dhawaaqaan inaanay qaban karin doorashadii golaha wakiilada oo loo qoondeeyay inay qabsoonto 12 December ee sannadkan 2019 oo ay inaga xigaan 4 bilood.

Guddiga doorashooyinka ayaa la filayaa inay Madaxweynaha u gudbin doonaan go’aankooda ay ku cadaynayaan inaanay doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi karin wakhtiga loo qoondeeyay iyagoo sababayn doona caqabadaha hortaagan, waxaana weli qabyo ah arrimo badan oo ay ahayd inay dhammadaan intaan lagu dhawaan wakhtiga doorashada.

Xisbiga Waddani ayaa hore u joojiyay wada shaqayntii guddiga doroashooyinka, dalbadayna in la bedelo lana dhiso guddi cusub oo ka kooban 9 xubnood.

Inkatoo aanay guddiga doorashada iyo xisbiyada midkoodna weli ku dhawaaqin in dib u dhac ku yimid doorashooyinkaas, ayaa haddana waxa muuqda ifaafale muujinaya caqabado dhawr ah oo sababaya inaanay doorashooyinkaasi qabsoomin.

Bishi March ee sannadkan ayay sidoo kale guddiga doorashadu ku dhawaaqeen inaanay qaban karin doorashada wakiilada iyo deegaanka oo ay ahayd in horaantii sannadkan la qabto.

Haddii ay noqoto in doorashadu dib u dhacdo bisha December ee sannadkan 2019 waxay noqonaysaa markii 6aad ee muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada oo la doortay sannadkii 2005.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here