“Madaxweyne; Wasiirka Arrimaha Guddaha Wasaaraddaha Kale U Bedel, Oo Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Waxaad Keenta Wasiir U Qalma”

0
367
“Madaxweyne; Wasiirka Arrimaha Guddaha Wasaaraddaha Kale U Bedel, Oo Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Waxaad Keenta Wasiir U Qalma”Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa ka hadlay Xeerka Doorashada ee hor yaala Golahooda, waxaanu sheegay in Xeerkan aan laga doodi karin ama la guda gali karin iyadoo aan laga heshiin wax la isku hayo.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu baaq u diray Madaxweyne Muuse Biixi,waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xeerka Golaha Wakiilada hor yaala “Xeerka Doorashada ee na horyaala laa meel wax la isla dhigo oo Xisbiyadu heshiiyaan kama doodi karo, mana guda gali karno, maxaa yeelay ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, oo Doorashada kamay heshiin, ilaa hadda Saami-qaybsigiina lagama heshiin, ilaa haddana Komishankii lagama heshiin, iyadoo aan laga heshiin arimaha Doorashadana Xeerkan Doorashada ma gudda gali karno, kamana doodi karno, ee marka hore waa inay Axsaabtu heshiis ka gaadhan”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Xeerka Degmooyinka ee ay ansixiyeen ayaa yidhi “Marka hore waxay ahayd in Xeerka aan lagu soo xusin wax magac ah, waxayna ahayd in si mug dheer loo eego, oo la soo dhiraan-dhiriyo, oo dhinacyo badan wax laga eego, waxay ahayd in marka dhinacyo badan wax laga eego in haddana marka dambe si toos ah loo eego Degmooyinka, oo Degmo walba lagu qiimeeyo tirada dadka dega, laakiin waxaa muuqata in deg deg jiray, oo aad loogu deg degay”.

Mar uu ka hadlaayey Mooshinka uu soo saaray Wasirka Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “In la cabudhiyo Golayaasha Deegaanka, oo awood lagu muquuniyo, oo lagu maamulo Shaqadooda waa khalad, hadal afka laga yidhaahdo Dastuurku maaha, ee wuu ka weyn yahay, nina afkiisa iyo hadalka dibnihiisa ka soo baxaya Dastuurku maaha, ee waxaan Madaxweynaha leeyahay Siyaasadii Arrimaha Gudduhu, aad bay isku bedeshay, oo dadkii aad bay u kala fogaadan, ee Wasiirka Arrimaha Guddaha Wasaaraddaha kala u bedel,oo Wasaaradda Arrimaha Guddaha, waxaad keenta Wasiir u qalma, oo shaqada Wasaaradda iyo waajibaadka Wasaaraddda si fiican u gudunaya, Madaxweyne marka ay kuu noqoto qaran iyo nin iskuma dhigmaan ee qaranka ayaa baaxad balaadhan, ee Wasaraaddani waa Wasaarad baaxad balaadhan ee Wasiir u qalma oo si fiican uga soo baxa xilka loo doortay keen, ta kale Labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn, ee mar walba shaydaanku ka faa’iidaysanayo, waxaan leeyahay ducadii la idin duceeyey habaar ayey idinku noqon ee ducadaas ilaaliya, oo wada dhalashadiina ilaaliya, oo wanaaga dhexdiina ilaaliya, oo fidnada ka dheerada, cid kasta oo fidno idinku dhex abuuraysana iska dhex qabta”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here