“18 Kun Oo Doollar Ayaa Iiga Baxday Go’aan  Aan Naftayda Khatar Ku Geliyey”

0
427

Weli waxaa Liibiya ku sugan dhallinyaro dooneysa in ay naftooda badda ku biimeeyaan si ay Yurub u gaaraan, iyadoo dhowaan ay 150 qof ku dhinteen.

Hase yeeshee Deeq Cabdirisaaq Siciid oo ah wiil da’yar kana soo tahriibaay Soomaaliya ayaa hadda doonaya inuu Soomaaliya dib ugu noqdo.

Go’aanka Deeq

Deeq oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in muddo saddex sano ah uu ku sugnaa Liibiya isaga oo ay ku jirtay raja ah inuu gaaro dalalka Yurub.

“Waxaan ka imid gobolka Bari gaar ahaan Boosaaso, waxaan halkan soo gaaray 2017-kii, hadafkayga wuxuu ahaa in aan sii tahriibo illaa Yurub balse hadda dhibaatooyiinka jira awgood waxaan go’aansaday inaan dalkayga isaga noqdo,” Ayuu yiri Deeq Cabdirisaaq.

“Go’aankeygii ahaa in aan Yurub aado wuxuu isbadelay markii aan arkay daganayn dhallinyaradii aan isla deganeyn lagu xiray god”.

Deeq Cabdirisaaq Siciid

Kharashka ka baxay

Deeq ayaa sheegay in kharash aad u badan uu uga baxay xeryihii uu ku noola iyo safarkiisii uu ku tagay Liibiya.

“Waxaa iga baxday lacag gaaraysa 18 kun oo doolar, kharashkan ma ahan mid waalidiintayda oo kaliye ay bixiyeen balse Soomaali badan ayaa gacan ka gaysatay.”

Dhallinyarada tahriibka ah ee ku sugan Liibiya ayaa la sheegay in ay la kulmaan tacadiyo ay ka mid yihiin “adoonsi.

Deeq ayaa ka sheekeeyay dhibka shaqsi ahaan uu arkay: “Nolol aanan ka shakaynkarin baan ku sugnayn muddadii aan joogay halkan; jir-dil ayaa la ii geystay. Xeryihii qaxootigana kama aynaan helin nolol wanaagsan, xaaladdeenana waa mid adag”.

“waxaan dhalinyarada ku dhiiragelinyaa inaysan niyada gishanin tahriib oo ay joogan dalkooda,” ayuu yiri.

Noloshiisii hore

Deeq, sida uu sheegay wuxuu ahaa arday wax ka barta iskuul ku yaalla magaalada Boosaaso. Isagoo aan dhameysan waxbarashada ayuu ka tagay halkaas uuna u tahriibay Liibiya.

“Waxaan ku rajoweynaa in aan noloshayda wax ka bedelo oo aan hor mar gaaro, balse danta ayaa igu qasabtay halkaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here