Puntland Oo Deganaansho la’aanta Galmudug Lacag ku Bixisa Bil kasta Iyo Sababta.

0
461

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in bil walba lacag kumanaan dollar ah uu ku bixiyo daganaansho la’aanta siyaaseed ee degaanada maamulka Galmudug oo muddo dheer loolan siyaasadeed iyo muran dhuleed kala dhaxeeyo.

Xabno sare oo ka tirsan oo maamulka Ahlu-Sunna oo la hadlay Caasimada Online ayaa Xaqiijiyay in maamulka Ahlu-Sunna uu bil walba lacag gaaraysa 30,000$ uu ka qaato maamulka Puntland sidoo kalane adeegyo lacag la’aan ah loo sameeyo.

Lacagtaan la siiyo Ahlu-Sunna ayaa la sheegay in laga jaro Canshuurta Dekadda Boosaaso sidoo kalane gaadiidka iyo adeegyada kale ee u socda Ahlu-Sunna ay si lacag la’aan ah uga soo dagaan Dekadda Boosaaso ee Puntland.

Sababta ay Puntland lacagtaan u bixiso ayaa lagu sheegay in aysan dagin Siyaasadda Galmudug, sidoo kalane aysan isu raacin gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay maamulka Puntland u arkaan u arkaan caqabadda 1aad ee horumarkooda.

Galmudug iyo Puntland waxaa ka dhaxeeya muran ku saabsan soodinta magaalada Gaalkacyo waxaana dhowr jeer dhaxmaray dagaalo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Wali xal looma helin murankaasi labada maamul waxaana la’ aaminsan yahay in Ahlu-Sunna ay garabka ugu wayn ka helaan maamulka Puntland.

Sidoo kale wararkan aan helnay ayaa Xaqiijinaya in Puntland ay qayb ka tahay go’aanada qaar ee Ahlu-Sunna ka gaarto masiirkeeda siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here